“Hadday Iga Adkaadaan Waan Ka Soo Kaban Karaa, Laakiin Ninka Iyagana Burburin Doonaa Waa Aniga, Waayo? Muuse Biixi Iyo Faysal…”

0
1158

Jamaal Cali Xuseen Oo Sheegay In Guddoomiyaha KULMIYE Qayb Ka Yahay Dagaallo-siyaasadeed Oo Uu Sheegay In Lagu Hagar-daamaynayo

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa markii u horeysay ka hadlay Cidda uu u maleynayo inay kula jirto Dagaal Siyaasadeed.

Jaamal waxa kale oo uu ka hadlay waxa uga meel yaalla Haddii Xisbiga UCID Musharrax Madaxweyne oo aan isaga ahayn Caleemo saaro, waxaanu arrintaasi ku sheegay waxaan dhici karin, maaddaama buu yidhi aan Xisbiga UCID uu marka labaad ku soo baxay Dedaalkaygii.

“Xisbiga UCID Anigaa ka Musharrax ah, Musharraxa la soo baxayna waa Aniga, waxaanu ku soo baxay codkaygii, dedaalkaygii iyo kartideydii, markaa inuu Nin kale foolo oo uu yidhaahdo Cod igu siiya waa Waalidii ugu waalleyd.” Ayuu yidhi Jamaal oo u warramay Telefiishanka Kalsan.

Jamaal oo la waydiiyey in Cidda dagaalka siyaasadeed ku jirtaa tahay Xisbiga KULMIYE iyo in kale, ayaa ku jawaabay, “In Dadka loo qarqarsiyo Maaha, ee waa Muuse (Ninka iga soo horjeedaa). Sidaan anigu aaminsanahayna Muuse Biixi waa Ninkii ka dambeeyay inuu Xisbigii UDUB burburo. Laakiin anigu waxaan ogahay in aanay iga macaasheyn oo taa ay Aniga igu wadaan inay iyagu ku burburi doonaan. Haddayba Aniga iga adkaadaan, Ninka iyagana burburin doonaa waa Aniga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inuu guul-daro Siyaasadeed oo isagu la kulmo xilligan uu ka soo kaban karo Mustaqbalka, Maaddaama oo uu weli Da’yar yahay, laakiin aanay ka soo kaban karin Siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo uu ku eedeeyay inay Hagar-daamo siyaasadeed ku hayaan, “Anigu waan ka soo kaban karaa oo Nin dhallinyaro ah baan ahay, laakiin Muuse Biixina kama soo kaban karo, Faysal Cali Waraabe-na kama soo kaban karo o doorashada (Soo socota) ayaa iyaga uga hadhay Siyaasadda oo labadooduba waa Dhowr iyo Toddobaatan jirro, Sumcaddoodii waxay saaran tahay Laynka.”