Ciidanka Booliska Somaliland oo Xidhay Gudoomiye ku-xigeenkii Koomiishanka xuquuqul insaanka qarranka Somaliland

0
863

Gudoomiye Ku-xigeenka Koomiishanka xuquuqul insaanka qarranka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed  ayaa muddo Saddex maalmood ah ku xidhan Xarunta Danbi baadhista ee loo yaqaano C.I.D ee magaalada Hargeysa.

Warar Xogogaal ah ayaa Waaheen u xaqiijiyey in Masuulkaasi uu ku xidhan yahay C.I.D waxanay wararku intaasi ku darayaan in Ciidanka Boolisku ka soo qabteen Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ma cada sababta rasmiga ah ee Masuulkaasi loo xidhay balse ilo xogolaal ah ayaa sheegaya in tuhuno ay dawladu dabba socotay lagu xidhay masuulkaasi.

Gudoomiye Ku-xigeenka Koomiishanka xuquuqul insaanka qarranka Somaliland ayaa Xilal wasiir uga soo qabtay Xukuumadii Riyaale, halka Xaaskiisuna tahay Wasiirka Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Shukri Bandare.

Waxii warkaasi ka soo kordha goordhow la soco