Somaliland: Nuxurka Dhambaal Beesha Caalamku U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

0
878

Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo diray dhambaal ay kaga dalbanayaan inuu ka noqdo go’aanka uu ku kala qaaday labada doorasho islamarkaana uu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada. Taas oo uu madaxweyne Siilaanyana kaga jawaabay dhambaal kale oo uu go’aankiisa ugu sharraxayo.

Labada qoraal ee ay isweydaarsadeen Mudane Siilaanyo iyo beesha caalamku oo haa kuwo aan loogu tallo gelin warbaahinta ayaa Ilo xogogaal ahi waxay wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyeen in dalalkan oo uu metelayay dalka Ingiriisku madaxweyne Siilaanyo dhambaalkooda soo gaadhsiiyeen badhtamihii bishan oo ku beegnayd markii ay soo saareen warsaxafadeedka ay walaaca kaga muujiyeen go’aanka Madaxweynaha.

Sida ay xogahani u sheegeen Geeska Afrika, waxa ay dalalkani Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inuu ka noqdo go’aankiisa oo ay ka digeen inuu dhaawac u gaysanayo wada shaqaynta Somaliland iyo beesha caalamka iyo weliba hawlgallada aqoonsi raadiska, maadaamaba oo bay yidhaahdeen ay dib u dhaca iyo muddo kordhintu dhaawacayso kalsoonidii caalamku ku qabay hore u socodka Somaliland.

Waxa ay dalalkani sheegeen inaanay niyad ahaan soo dhawaynayn go’aankaas oo sabab u noqon kara saamayn siyaasadeed oo Somaliland la soo derista.

Ilahan xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen in Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabay dhambaalka ay u soo direen dalalkani, waxaanu difaacay go’aanka uu qaatay oo uu carrabka ku adkeeyay inuu dan u yahay Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kaloo sida ay xogahani sheegeen dhambaalkiisa eedo ugu jeediyay xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inaanay lahayn yool iyo itijaah siyaasadeed oo cad, kaas oo isna sida uu xusay qayb ka ah dib u dhaca doorashada baarlamaanka.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu qoraalkiisa jawaabta ah ku sheegay inay ka go’antahay inay doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay oo ah March 2017, balse ay doorashada golaha wakiiladu dib ugu dhacayso duruufo maxali ah.

Ugu dambayn wuxuu dalalkan uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo uu Geeska Afrika weydiiyay dhambaaladan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in dhambaaladani jiraan, waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa dhambaal ay dalalkani Somaliland ku dhiirigelinayaan inaan la kala qaadin labada doorasho, wuxuuse sheegay in madaxweyne Siilaanyo ku qancay in la kala qaado labada doorasho.