Somaliland: Hoggaamiyaha WADDANI oo ku Dhego Barjoobay Xamaasadda Afar Murrashax oo u Loolamaya Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigiisa

0
649

Siyaasigii afraad oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyay in uu u tartamayo musharaxnimadda  jagadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi.

Wasiirkii hore ee wasaarada dib u dejinta Somaliland C/rasaaq Cali Cismaan,  oo isagu haatan  ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa sheegay in uu u sharaxan yahay jagada madaxweyne ku xigeenka ee shirka golaha dhexe ee bisha November  ee fooda innagu haysa lagu qaban doono Hargeysa.

Cabdirisaaq Cali Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Boorame  ayaa  soo qadimay murrashaxnimadiisa waxaanu sheegay inuu haysto taageero ka haysto bulshadiisa iyo xisbiga WADDANI dhexdiisaba.

 

“Aniga ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga WADDANI,   waxaan halkan   caddaynayaa inaan  ahay   musharrax u taagan    jagamadda madaxweyne  ku xigeenka ee  xisbiga WADDANI, waanan u tartamayaa.  Waxaanan  is leeyahay waad qaban kartaa xilkaa,  anigoo la kaashanaya kartidayda iyo aqoontayda,”ayuu yidhi Murrashaxaasi. “Waxaan   ka codsanayaa bah weynta xisbiga WADDANI  inay  igu  taageeraan  murrashaxnimadda  madaxweye ku xigeenka ee aan ka tartami doono shirka golaha dhexe ee  xisbiga ee soo socda.” Waxa hore  mansabkan ugu taramayay oo maalmihii u dambeeyay ololahoodu xamaasad yeeshay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed, Dr. Maxamed Cali iyo  ninka kale oo la yidhaahdo Eng. Cabdiraxmaan Daahir Aadan  oo isna hore murrashaxnimadiisa kaga dhaawaaqay Boorame. Guddoomiye Cirro ayaanay iskaga cidi kula taramaynin mansabka murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga WADDANI dhexdiisa, waxaana lagu wadaa in Golaha dhexe u ansixiyaan jagadaasi.

Waxa la sheegay in laacdanka  murrashaxiintani ay culays siyaasiya saartay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo doonayay inay isu tanaasulaan si aanu khilaaf iyo dildilaac ugu iman xisbiga oo muddooyinkii dambe uu saarnaa culaysyo siyaasiya oo hoos u dhigtay taageeradii uu ka haystay bulshadda tan iyo markii uu xisbigaasi ka soo horjeedsaday kala qaadista doorashooyinka oo ay ka soo horjeedsadeen kalsoonidii ay madaxweynaha ku siiyeen inuu go’aan ka gaadho mowduuca la xidhiidha saami-qeybsiga kuraasida baarlamaanka iyo doorashadda aqalka wakiiladda labadaba. Iyadoo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu sii dhex fadhiyo aqalka wakiiladda oo uu xisbigiisu aaminsan yahay inuu sharci darro yahay.