Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa si jees jees ah isagoo ku faraxsan go’aankii Maxkamada Sare, wuxuu sheegay in aan loo heesin oo yahay nin iska tukada. “Anigu Facebook ma-galo, aniga layma heeso waxaan ahay nin iska tukada”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Balse Kamarada Saxaafadda ayaa si dhibyar u soo heshay Faysal Cali Waraabe oo loo heesayo, Fanaanadda Codka Macaan ee Farxiya Axmed Cadaawe (Fayxiya Fiska) iyo Fanaanka Caydaruus Halyey, ayaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe hees macaan oo ah “UCID baynu nahay” u qaadaysa, goobtu waa London, waxaanu kuba siganaya Faysal inuu jaas qoob ka ciyaara marooriyo, isagoo madaxa ka jaasaaya. Heestaas iyo hadalkii Faysal Cali Waraabe