Somalia: Kooxda Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Askari U Dhashay Dalka Uganda.

0
1015

Ururka Al Shabaab, ayaa maanta soo bandhigay muuqaal uu ka soo muuqday askari u dhashay dalka Uganda, kaasoo ay maxbuus ahaan ugu haystaan dhulka ay ka arrimiyan.

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y, ayaa waxaa uu ka tirsan yahay Ciidamada Militariga Uganda ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waxayna Xoogaga Al Shabaab ku qabteen weerarkii xooganaa, ee 1-dii bishii September ee sanadkii 2015-ka ku qaadeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Masassa M.Y, ayaa baaq u diray Madaxweyne Yoweri Museveni iyo shacabka reer Uganda, iyadoona uu ka codsaday inay ka shaqeeyan, sidii uu kaga soo bixi lahaa gacanta Al Shabaab.

Masassa M.Y, ayaa sanadkii 2009-kii ku soo biiray Ciidamada Lugta Uganda, iyadoona Somaliya loo keenay, ka qayb qaadashada xasiloonida dalka iyo weliba la dagaalanka Shabaab.

Ujeedada ugu muhiimsan ee codsiga uu diray Masassa, ayaa waxay tahay in Dowladda Uganda ay Shabaabka u ogolaato rabitaankooda, oo ah in ciidamadeeda kala baxdo Somaliya.

Shabaab, ayaa dagaal adag kula jira Dowladda Dhexe Somaliya iyo Amisom, waxayna ka biyo diidan yihiin jiritaanka Dowladda Somaliya iyo joogitaanka Amisom ee dalka.