War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayay Oo Ka Ababaxay Dalak

0
1115

WAR-SAXAAFADEED: 26 /09/2016
Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminaayo Oo Galabta Diyaar Khaasa ka Raacay Madaarka Egal International Airport Iyagoo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta 26.9.2016 (6: 12, Saacadda Hargeysa) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK). Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Marwada koowaad ee Qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah (haddii Allah Idmo) wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah).

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

14370331_1063462657100920_5415910222491700398_n 14390724_1063462347100951_7983029504725759310_n 14457498_1063462567100929_3791795235685770207_n 14484657_1063461740434345_2669603248925764100_n 14484899_1063461660434353_7228757752329634452_n 14484899_1063462350434284_4039660986998044682_n 14492345_1063461657101020_1750350631063323505_n 14494669_1063462587100927_5638741512577461776_n