Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku u qabteen xidhitaanka diwaangelintii codbixiyeyaasha ee dalka ka socotay.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyey waxa ka mid ahaa hadaladiisa “Mudanayaal iyo Marwooyin, Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan balaadhan ee lagu xusayo geba-gebadii diiwaangelinta codbixiyayaasha ka qabsoontay Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland muddadii u dhexeysay 16/01/2016 iyo 20/09/2016.

Gunaanadka iyo dhammaystirka Mashruuca Diiwaangelinta Codbixiyayaashu; Waa galad Eebe iyo Guul u soo hoyatay guud ahaan Qaranka Somaliland. Waa guul u soo hoyatay Geedi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Hannaanka Doorashooyinka Xorta ah ee ka tisqaaday geyigeena hooyo. Waa guul u soo hoyatay Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka. Waa guul ay xaqiijisay xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay. Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u jeedinayaa ciidammada kala duwan ee qaranka doorkii iyo dedaalkii ay ku lahaayeen taabo-gelinta diiwaangelinta. Marka labaad, waxaan ku hambalyeynayaa Shacbi-weynaha Somaliland sidii xil-kasnimada, xamaasadda iyo xasiloonida lahayd ee ay uga qayb-qaateen diiwaangelintii dalka ka dhacday.

Arrintani waxay daaha ka rogtay bisaylka iyo baraaruga Bulshada Somaliland. Waxay ka markhaati kacday in ay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo horumar weyn ka sameeyey nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan, taas oo aan ka tisqaadin in badan oo ka mid ah qaaradda Africa. Dhinaca kale waxaan uga mahadcelinayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka sidii ay mashruucan uga midho-dhaliyeen.

Sidoo kale, waxaan uga mahadnaqayaa dalalka deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay ee UK, iyo EU (Midowga Yurub) taageeradii ay inaga siiyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaynu nahay ummad gob ah oo aan aqoon abaal ka dhaca. Waxaynu nahay ummad aanay ka gedman cadowgooda iyo nasteexoodu. Soomaalidu waxay tidhaahdaa Libaax nin galaday iyo nin galayba og, Dalalka aynu saaxiibka nahay waxay inagu leeyihiin talo iyo tilmaan. Waxaan u haynaa qadarin iyo ixtiraam weyn, wixii ay ina tareena waanu uga mahadnaqaynaa.

Hase yeeshee, waxa dhacda in saaxiibadu arrimaha qaarkood ka yeeshaan aragtiyo kala duwan. Haddaba, waxaanu aaminsanahay in dal waliba uu arrimaha gudihiisa cid walba uga xog-ogaalsan yahay, ugana lexejeclo badan yahay. kala reebista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilladu waxay salka ku haysaa danta guud ee qarankan.

Hogaamiye ahaan, waxa waajib ah in aan ka horumariyo wax kasta midnimada iyo wada-jirka ummadda. Waxaan doonaya in aynu wax korodhsanno, iskana ilaalinno wixii hagar daamo inoo keenaya. Miisaaniyadda iyo kharashka doorashooyinku waa waajib qaran oo inaga ina saaran ummad ahaan. Sidaa darteed, mashruuca xaqiijinta diiwaangelinta iyo doorashooyinku saaxiibadeen way inaga taageeraane waa mid Somaliland leedahay.

Waxa lagama-maarmaan ah in aynu u qorshaysanno sidii mustaqbalka dhow Xukuumadda Somaliland u bixin lahayd dhammaan kharashaadka doorashooyinka ku baxa. Waxaa iga go’an, in Doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto 28/03/2017. Ku-talo-galkii hore wuxuu ahaa in aanu bixinno 25% kharashka diiwaangelinta iyo doorashada, hase yeeshee waxay xukuumadddu bixisay 50% kharashaadkii ilaa hadda ku baxay diiwaangelinta.

Maantana kharashka Xukuumadda looga baahan-yahay waa Siddeed Milyan oo Dollar ($8,000,000), taas oo u dhiganta 80% kharashka Doorashada Madaxtooyada. Waa culays dhaqaale, balse waxa waajib ah in aynu isku-tashanno, xukuumadduna daboosho kharashkaa. Guddida Doorashooyinka Qaranka waxaan ku dardaarayaa inay doorashada xilligeedii ku qabtaan, kuna dedaalaan cadaaladda iyo hufnaanta maamulka doorashada.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????