Somaliland: Cali Khaliif Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Xubno Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed Iskugu Jira Oo Dharsinaya Wada-haddalka Somaliland Iyo Khaatumo, Si Cadna u Sheegay Inaanu Somaliland Mansab Iyo Maal Toonna Marti Uga Ahayn

0
874

“Waar haddii aynu Somaliland heshiinno anigu Hargeysa shuqul uma qabanayo oo madaxweynaheedaanan rabin oo wasiirkeedaanan rabin ooaniga 200, oo baabuur isiinayaan wax I qancinaya ma aha, haddii ay laba milyan oo dollar isiinayaanna anigu qaadan maayo.” Cali Khaliif

Madaxweynaha maamulka KHAATUMO Md. Cali Khaliif Galaydh, ayaa walaac weyn ka muujiyey habsami-u-socodka wada-hadalka aan weli bilaabmin in la filayo inuu maamulkaasi dhawaan la geli doono xukuumadda Somaliland oo ay hore labada dhinacba u shaaciyeen sida ay diyaarka ugu yihiin.

Mudane Cali Khaliif oo ka hadlay shirweyne deegaanka Balli-cad ee gobolka Sool uga furmay waxgaradka deegaannadaas, ayaa ugu horrayn sheegay inuu maamulkiisu diyaar u yahay yahay inay wada-hadal midho dhal ah la galaan xukuumadda Somaliland, isagoo weerar qaawanna ku waaday maamul-goboleedka Puntland,“Wada-hadalka maxaa Isaaq loola gelayaa ee Majeerteen loola geli waayey.Waar Isaaq waxa uu oggolaaday iyagoo dantooda raacaya in khaatumo oo maamul ah ay wada Hadal la galaan, laakiin wadaadka Madaxweynaha Puntland ka ahi markii iigu dambaysay waxa uu lahaa KHAATUMO waxa la yidhaahdaa ma jiraan.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata, ayaa duray haddallo uu dacaayado ku sheegay oo uu tilmaamay inay ka yimaadeen kaga yimaadeen horgoogaha maamulka Puntland, waxana uu yidhi,“Anigu sonkor baan qabaa mana qarsadee isaga halla warsado waxa uu qabo, haddiise loo baahdo faylkiisa anigaa umadda usoo bandhigaya, halka uu ka iibsado dawadda ayaanan aqaanaa.”

Mudane Cali KHaliif waxa uu si cad u sheegay inaanu Somaliland xilal ka doonaynin, isla-markaana maal iyo hanti kale inuu ka qaato uga fadhiyin xilligan, “Waar anigu waxa aan is idhaahdo waa laguguu hurgurayn karaa Hargeysa ma  yaallo, waanan idiin sheegayaaye haddii aynu Somaliland heshiinno anigu Hargeysa shuqul uma qabanayo oo madaxweynaheedaanan rabin oo wasiirkeedaanan rabin, shaqaale dawladeedna 32-sano ka hor ayaan noqdayoo raadkeeda dib u raaci maayo oo haddiiba umadatani waxa ay ku qanacdo  hesho  aniga 200 oo baabuur isiinayaan wax I qancinaya ma ah, haddii ay laba milyan oo dollar isiinayaanna anigu qaadan maayo.”

Waxa uu si weyn uga biyo diiday xubnaha madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta iskugu jira ee dharsinaya wada-haddallada la filayo inay labada dhinac dhawaan u bilaabmaan, isagoo dadkii madasha fadhiyeyna ka codsaday in dadka noocaas ah talo laga yeesho,

“waar marka aynu Somaliland wada-hadalka la bilowno kuwa ina garab orda ee hab qabiil iyo hab waxanu nahay odayaal iyo waxgarad inagu barbar yaaca hab aynu iskaga qabano ma isku tilmaami karnaa.”.

Xukuumadda Somaliland, ayaa la fillayaa inay dhawaan wada-hadal la bilowdo hoggaanka saree e maamulka KHAATUMO, kaas oo lagu wado inuu dhawaan bilaabmo, balse weli labada dhinac midkoodna si cad uma caddaynin ajandaha shirkaas iyo waxyaabaha lagaga wada hadli doono, balse hadalka Cali Khaliif, ayaa u muuqda mid fogaynaya  midhaha shirkaas laga filli karo.