Somaliland: Cali Guray Oo Digniin Culus U Diray Faysal Cali Waraabe Kuna Tilmaamay Nin 30 Daqiiqaddood Kadib Ka Hor Yimid Go’aankii Maxkamadda Sare

0
1022

“Xeerka UCID Hadii Aanu Isku Qabano Maxkamadda Sare Ayaa Loo Noqonayaa Tafsiirka Ee Bal Ha Iska Hubsado Intaanu Fadeexad Kale Gelin”..Cali Guray

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay nin durba ka hor yimid go’aankii maxkamadda sare shalay uun ku dhawaaqday isaga oo sheegay in uu iska dhago marinayo xeerka xisbiga sida uu hadalka u dhigay. Mujaahid Cali Guray oo qoraal ka soo saaray arrintaasi ayaa waxa uu yidhi: “Marka ugu horraysa waxaan jecelahay in aan hambalyeeyo Maxkamadda Sare ee Somaliland oo xukunkii maanta ay ridday sidii aanu doonaynay labadaydii dhinaca midna aan u eexanin midna ka eexanin. Go’aankii idaariga ahaa ee hore ay u gaadhay Guddida Diiwaangelinta nuxur ahaan waxba kama bedelin Xukunka Maxkamaddu laakiin dhinaca sharciga ayuun bay waafajisay Xeerka Xisbiga luuqad sharcina way u dhigtay Xukunka ay ridday. Annagu Xeerka Xisbiga waanu ogolayn haddana waanu ogolahay jumla wa tafsiilan. Hogaanka Sare ee Xisbiga cidda ay tahay waxa caddaynaya oo anigu aan cuskanayaa sida ay Maxkamadda Sarena u cuskatay Q.26aad ee Xeerka UCID. Guddoomiyuhu hadii uu ka horyimi qodobka 26aad ee Xeerka UCID 30 daqiiqadood ka dib markii ay Maxkamadda Sare xukunka riday isaga ayaa ku dhib qaba. Lakiin waa in uu ku xisaabtamo in Xukunka Maxkamadda Sare uu ka duwan yahay Go’aamada Gudida Diiwaangelinta ee idaariga ah oo dembi ay noqonayso in laga horyimaaddaa hadii uu u badheedhayo iyo haddii kaleba. Xeerka UCID hadii aanu isku qabano Maxkamadda Sare ayaa loo noqonayaa tafsiirka ee bal ha iska hubsado intaanu fadeexad kale gelin.
Gudidii Diiwaangelintu go’aankeeda waxay ku sheegtay in Gudoomiyaha Xisbiga cidda dacwaynaysa ay ku soo koobtay Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Maxamed Yussuf halka ay Maxkamadda Sarena ku sheegtay Musharaxa Madaxaeaynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye ku xigeenka 3aad Cali Maxamed Yuusuf. Labada Maxkamadda Sare ayaa raacday Xeerka Xisbiga. Markaa Faysal ha iska hubsado Xeerka UCID qodobkiisa 26aad hadii aanu xukunkii Maxkamadda Sare diidanayn
XEERKA XISBIGA UCID
Q.26aad
Xubinta ka babaanaata Hogaanka Sare
1. Hogaanka sare ee Xisbigu waxa uu ka koobnaanaya lix xubnood oo kala ah:Gudoomiyaha Xisbiga, b. Sadexda Gudoomiye ku xigeen, c. Xoghayaha Guud ee Xisbiga, d. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga.
2. Hadii aay timaado in hogaanka sare ee xisbiga xubin ama xubno ka mid ah ay lumiso xilkii ay xisbiga u haysay si waafaqsan xeerka, Waxa Awood U Leh Soo Buuxinta Xubinta Banaanaata Golaha Dhexe Ee Xisbiga Iyada Oo Cod 1/3 Ku Dooranaya Musharixiinta U Tartamayajagada/Jagooyinka Banaanaatay.
3. Xubinta cusub ee buuxisa xilka banaanaday waxa ay xilka haynaysaa inta laga gaadhayo shirwaynaha xisbiga ee caadiga ah” ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday Cali Guray.
Halkay iska arkeen Cali Guray iyo Faysal Cali Waraabe?
Kadib Go’aankii Maxkamadda Sare shalay ka soo saartay khilaafkii Xisbiga UCID waxa si gaar ah isu bar tilmaameedsaday Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbigaasi UCID IyO Guddoomiyaha UCID. Qodob ka mid ah go’aamada maxkamadda ayaa waxa uu sheegay in “Gudida qaban qaabada shir weynaha aan caadiga aheyn ee xisbiga UCID ay noqonayaan 10 Xubnood waxaana ay labada garab u qeybsan doonaan si siman, Waxaana marjac u noqon doona hogaanka sare ee xisbiga UCID ”. Mujaahid Cali Guray oo markii go,aamada maxkamadda sare soo saartey kula hadley afaafka hore ee maxkamada ayaa waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay hoggaanka xisbiga UCID ee go,aamada maxkamadda ku jiray isaga oo yidhi: “Hogaanka sare ee xisbiga UCID waxaa ay kala yihiin Gudoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka saddexaad oo aniga ah iyo ku xigeenka xoghayha oo Cabdinaasir Ah ” ayuu yidhi muj. Cali Guray. Dhinca kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadley xarunta dhexe ee xisbiga UCID ayaa waxa uu si dadban u sheegay in aanau Muj.Cali Guray aanu ka mid aheyn hogaanka sare ee xisbiga UCID. “Hogaanka xisbiga UCID waxaa weeye Gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenkii oo dhintay , gudoomiye ku xigeenkii labaad oo is casilay iyo xoghaye ku xigeenka ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.