Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Kulan Khaas Ah La Yeeshay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddiga Doorashooyinka.

0
780

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa u maanta kulan deg deg ah isku yeedhay madaxda saddexda xisbi qaran ee Somaliland iyo gudida doorashoyinka.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xisbi walba masuulyiintii ka socotey uu mid mid ula kulmey isla markaana waxaa ay ka wada hadleen sida ay u arkaan go,aanka madaxweyne Siilanyo ku kala qaadey labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada .

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaaa uu kulan gaar ah la yeeshay gudida doorashoyinka Somaliland isla markaana waxaa uu dhinacooda weydiiyey sida ay u arkaan kala qaadista labada doorasho .

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamada sare uu xisbiga Waddani u gudbiyey dacwad ka dhan ah kala qaadista labadaasi doorasho sidoo kalana waxaa warqad fasiirad ah maxkamada sare isna dhinaciisa u gudbiyey Madaxweyne Siilanyo

Ka dib kulankaasi kala gooni goonida ah ee maxkamada sare ee Somaliland la yeelatey Saddexda xisbi qaran iyo gudida doorashoyinka ayaa waxaa la filayaa in ay maxkamadu go,aan kama danbeys ah ka soo saarto kala qaadista labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyada oo buuq iyo is af garan waa ka dhashey