Somaliland: “Xisbiga Waa La Isu Tanaasuli, Waana La Wada Tartami Karaa” Karaa Qof La Qasbayaana Ma Jiro “

0
1168

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay  Shirka Golaha Dhexe Ee WADDANI Iyo Loollanka  Murrashaxa  Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga

“Waxaa Go’aamada [Xukuumaddu Kasoo Saartay Ceel-Afweyne] Ku Jiray Inaan   la arag cid hub sidata laakiin waa taas mar kale ay wax dheceen”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Guddoomiyaha aqalka muddo dhaafka ah ee Wakiiladda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa sheegay in si cadaalad ah loogu tartami doono murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka ee xisbigaasi u metali doona doorashadda madaxtooyadda ee la filayo inay wadanka ka qabsoonto. Waxaanu xusay in lagu tartami karo la iskuna tanaasuli karo. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu beelaha walaalaha ah ee wada degan Ceel afweyn ugu baaqay inay ixtiraamaan dhaartii ay mareen isla markaana ay nabad-gelyo ku wada naaloodaan, waxaanu dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inaanay fulin wax uu ugu yeedhay Go’aamadii wax ku oolka ahayd ee ay soo saartay arbacadii la soo dhaafay. “Runtii warkaasi waa war naxdin leh iyo dhibaato aan loo baahnayn oo dhacday waxaanan tacsi u dirayaa dadka shaqaaqadaa ku dhintay oo aan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto inta dhaawaca ahna ALLE  innoo bogsiiyo, labada beeloodna waxaan ugu baaqayaa in ay nabad ku wada noolaadaan oo ay tix-galiyaan dhaartii ay mareen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Sidii nabad waarta labada beelood ee walaalaha ah looga dhex dhalin lahaa waa laga wada hawl galay oo waa la isugu tegay Dawlad ,culimo iyo madaxdhaqameedba  oo haldoorka Somaliland uma kala hadhin hadday Xukuumad tahay iyo hadday bulshadda waxgaradkeeda tahayba. Go’aammo wax ku ool ah oo lagu nabadaynayana waa laga soo saaray laakiin waxaa soo baxday in go’aamadii aan la fulin  sababtoo ah go’aamada waxaa ku jirtay in aan la arag cid hub sidata laakiin waa taa mar kale ay maanta wax dheceen taasina waxay caddaynaysaa in Xukuumaddu ay ka gaabisay in ay fuliyaan go’aamadii laga soo saaray halkaas.” “Ciidamadda qaranka iyo booliskaba waan ku bogaadimayaa hawsha ay halkaa ka qabteen iyo sida ay uga hor tageen in khasaare halkaa ka dhaco waanay ku amaanan yihiin. Laakiin Xukuumadda waxaan u soo jeedinaynaa in ay fuliso go’aamadii nabadeed ee Ceel Afwayn laga soo saaray,”ayuu sheegay. Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd  halkuu ku dambeeyay wada hadalkii u socday Xisbiga WADDANI iyo  garabkii KULMIYE ka baxay,waxaanu yidhi “Wada hadalkaasi wuu noo socdaa meel wanaagsanna wuu marayaa dhawaanna waxaan rejaynayaa in uu guul ku dhammaan doono oo aanu soo gunaanadi doono wax aanu isku diidan nahayna ma jirto.” Hoggaamiyaha WADDANI oo la weydiiyay  inay suurto gal noqon karto in murrashaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka ay u xulanayaan lagu kala saaro doono cadaalad iyo in kale, waxa uu kaga jawaabay  “Dhawaan ayuu qabsoomayaa shirka Golaha Dhexe ee Xisbigu musharixiintuna xaq bay u leeyihiin in ay tartamaan qof kasta oo Xisbiga ka tirsan oo buuxiya shuruucda Xisbiga uga yaalla musharixiintu xaq buu u leeyahay in uu tartamo waanu tartami karaa qof la qasbayaana ma jiro waana la isu tanaasuli karaa waana la wada tartami karaa markaa Tartanku wuu furan yahay.”.  Musharixiin  badan oo ku dhawaaqay in ay tartamayaan way jiraan kuwo kalena way ku dhawaaqi karaan oo way shaacin karaan hankooda musharaxnimo ee Madaxweyne iyo Ku-xigeenba Xisbiguna waa Dimuquraadi oo  waa la tartamayaa  cid gaar u calaamadsanima ma jirto waanay ii wada siman yihiin dhammaan musharixiintu.” Cabdiraxmaan Cirro oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in lagu dhaliilo in xisbiga WADDANI aanu ka jawaabin hadalada gefka ku ah Somaliland ee ka soo yeedha Soomaaliya, waxaanu kaga jawaab celiyay. “Aasaaska Xisbiga WADDANI iyo shuruucda uu ku dhisan yahay waa sal u ah dastuurka qaranka iyo xeerarka Xisbiga kuwaasina waxay si cad u caddaynayaan qaranimada iyo Madaxbannaaniada Somaliland mar kasta oo Soomaaliya wax inagu deel qaaf ahi ay inagaga yimaadaana waanu ka hadalnaa waanan ka hadli doonaa waxaanan u taaganahay difaaca jiritaanka iyo madaxbannaaniada Jamhuuriyadda Somaliland. Wax kasta oo lid ku ah na waanu ka soo hirjeednaa waanan  ka difaacaynaa cid aanu uga habranayno ilaalinta iyo difaacidda jiritaanka qaranimada Somaliland-na ma jirto,” ayuu Yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna hoggaamiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Waraysi gaar ah siiyay shabakadda Wararka ee Xogsoormedia.com.