Somaliland: Nuxurka Warqad Uu Cali Warancade U Qoray Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Ku Sheegay Inaanu Qaban Karin Xilka Wakiilnimo, Kagana Dalbaday Xil Cusub

0
1179

Wasiirkii  hore ee arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u weydiistay inuu ka aqbalo codsi uu ku weydiistay inuu u magacaabo la taliye islamarkaana uu ka aqbalo inaanu qaban karin xilka wakiilka Somaliland ee Itoobiya oo hore loogu magacaabay.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Cali Warancade uu maalmo ka hor Madaxweyne Siilaanyo oo uu si toos ah ugu tagay uu u gudbiyay dhambaal uu ku sheegay inaanu wakhti xaadirkan qaban karin xilkaas sababo u gaar ah darteed. Sidaas darteed uu Madaxweyne Siilaanyo ka codsanayo inuu u magacaabo xil la taliye, si aanu uga bixin gudaha dalka, sidoo kalena uu ka aqbalo inaanu xilkaas wakiilnimo wakhtigan qaban karin.

Cali Warancade, ayaa sidoo kale wuxuu warku sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay tallo ku saabsan lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa.

Ma jirto wax jawaab ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda ka bixiyay dalabka Cali Maxamed Warancade, waxaanay u muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo samaynayo la tashiyo ku saabsan go’aanka uu ka gaadhi doono codsiyada Cali Warancade.

Cali Warancade, ayaa go’aankan gaadhay ka dib la tashiyo uu la sameeyay taageerayaashiisa oo u muuqda inay ku qanciyeen inaanu qaban xilkaas wakiilka Itoobiya oo uu markii hore si cad u sheegay inuu isagu Madaxweynaha ka dalbaday qabashada xilkaas islamarkaana uu aqbalay.