Somalia: Nin Hubeysan Oo Dil Iyo Dhaawac Naxdin Leh Ka Gaystay Magaalada Muqdisho & Faahfaahino Ka Soo Baxaya

0
964

Nin toorey ku hubeysan ayaa maanta dil iyo dhaawac naxdin leh ka geystay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan oo madaxa looga jiray uu dilay wiil yar oo uu dhalay, isagoo dhaawacyo halis ahna u geystay labadiisa waalid oo indhoolayaal ahaa.

“Waxaan ka war helnay ninkan oo dariiqyada xaafada dhex socda gacantana dhiig ku leh, ciidanka amaanka ayaan markiiba wargelinay” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada amaanka ayaa markii ay gaareen goobtaas waxay rasaas ku dhaawaceen ninkan madaxa looga jiro ka dib markii uu la dagaalamay xili ay isku dayayeen iney qabtaan.

Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay dadka degaanka oo maanta hadal heyntooda ugu badan ay aheyd ninkan madaxa looga jiro ee dilay wiilkiisa, labadiisa waalid oo indhaha la’na dhaawacay.