Somaliland: “Xisbiga Dacweeyey Hay’adihii Dawladdu Ma Dhardhaar Afraad Oo Ka Awood Weyn Baa, Xisbiyadu Miyaanay Ku Abuurmin Soojeedin Madaxweyne”

0
860

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Dacwada WADDANI U Gudbiyey Maxakamadda Sare Ku Maseeyey Guddoomiye Cirro Oo Golihii Uu Hoggaaminaya Dacwaynaya

“Isniintii Dhawayd   Komishanku Waxay Saddexdayada Guddoomiye Xisbi Nagu Yidhaahdeen   Doorashadii Madaxtooyada Waa La Gelayaaye Saw Diyaar Uma Tihidin, Annaguna Haa Baanu Nidhi, Kadibna…….”

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku eedeeyey Dacwadda Xisbigiisu u gudbiyey Maxkamadda sare inay tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka oo Golihii uu hoggaaminayey Dacwaynaya. Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inay wax lala yaabo tahay in Xisbiga WADDANI Dacwad ka

dhan ah go’aanka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku kala qaaday ama ku kala reebay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isagoo Guddomomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ee Kalsoonida go’aan ka gaadhista Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada gobolladu ku kala yeelanayaan, in markii Madaxweynuhu go’aanka ka gaadhay uu hadda diidmo iyo dacwad ka keeno. Waxaa uu Musharrax Muuse Biixi Cabdi sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Arbacadii shalay  Xaflad Xisbigiisu u sameeyey dad ku biiray oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inaanay wax hore u dhacay taariikhda Siyaasadda caalamka ahayn in Xisbi Muxaafid ah iyo Xukuumaddiisii oo doorasho la diyaar ah, Xisbi Mucaarad ahi diiddan yahay oo uu Dacwad ka gudbinayo kolba sida loo qaban karayo doorashada oo uu ka soo horjeedo.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu farta ku fiiqay khaladaadka sharci ee dacwadda xisbiga WADDANI u gudbiyey Maxkamadda Distooriga ah, isagoo xusay inay fajiciso tahay in xisbi Qaran uu dacweeyo nidaam sharci oo maray laba ka mid ah saddexda dhadhaar ee Qaranku ka kooban yahay oo ah Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. “Madaxweynuhu awood uma laha inuu labada doorasho kala qaado ee talo ayuu u soo jeediyey Golaha Wakiillada, waayo goluhu iyagaa markii hore soo saaray in labada doorasho la isa saaro, taas ayuun buu madaxweynuhuna tixraacay oo waxa uu yidhi gole-ow aniga waxay ila tahay inaynu labadii kala reebno si tan aynu waqti ugu helno, ta kalena aynu waqtigeeda ugu qabanno, golihiiba la hor geeyey.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo ah Guddoomiyihii Baarlamaanka oo ah maamuuska qaranka ninka saddexaad inuu ka maqnaado markii soo jeedintaas golaha la horkeenayey, goluhuna wuu u hakiyey oo waa loo yeedhay, laakiin warqad buu soo qoray uu leeyahay fasax baan qaatay, isagaana is fasaxay, waxana la yabaan noqotay in arrinta miisaankaas leh uu fasax ka qaatay oo weliba 53-mudane u codeeyeen oo xataa aannu madaxweynuhu soo celin karin, maadaama ay aqlabiyad xoog leh tahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayey siyaasiyiin iyo taageerayaal ku biiray maanta.

Waxa kaloo uu ka hadlay ballan fur xisbiga WADDANI mar walba ku sameeynayey talooyin iyo wadahadallo axsaabta siyaasaddu ka yeelatay arrimaha doorashooyinka oo uu ka mid yahay heshiiskii saddexda xisbiba wada saxeexeen ee ahaa in ay aqbalaan oo u hoggaansamaan wixii Madaxweynuhu ka soo saaro muranka saami-qaybsiga. Sidoo kalena mar kale kulan saddexda Guddoomiye xisbi la yeesheen Komishanka Doorashooyinka wanaag ay ku kala yimaadeen kadib uu xisbiga WADDANI dacwad geeyey Maxkamadda Sare, waxaannu yidhi, “Isniintii dhawayd saddexdayada Guddoomiye xisbi iyo masuuliyiin wehelinaya noo yeedhay Komishanka doorashooyinka, waxay nagu yidhaahdeen doorashooyinkii waatan la kala qaaday oo Golihii Wakiilladu ogolaaday, doorashadii Madaxtooyada waa la gelayaaye saw diyaar uma tihidin, annaguna haa baanu nidhi, waxa kaloo ay nagu yidhaahdeen qoladii lacagta innaga caawin jirtay way ka cabanayeen kala qaadista, welina wax war ahi nagama soo gaadhine haddii ay waxba bixinwaayaan waxanu idinka doonaynaa in haddii loo baahdo aad dhaqaalaha diyaarisaan, si Komishan ahaan aanay ceebi nooga raacin inay doorashadu daahdo, waxaana saddexdayadii iyo Komishanku ku heshiinay in loo tafo-xayto inaanay doorashada Madaxtooyadu waqtigeedii dhaafin. Anigoo ballanqaaday in xukuumadda laga sugayo wixii dhaqaale ah ee loo baahdo, waxaan u dhaqaaqay xaggii Madaxtooyada ileyn farrin baa la faraye, waxaanan gaadhsiiyey farriintii oo aan ku idhi xilkaasaa ina fuulay, idimka Allah waxba inagu baaqan maayaan buu yidhi Madaxweynuhu. Markii aan ka soo degayba (xafiiska Madaxweynaha) nin baa sallaanka madaxtooyada igaga horyimi oo igu yidhi WADDANI baa adiga iyo madaxweynaha idin dacweeyey oo dacwad Maxkamadda geeyey.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu is-dul taagay dacwadda uu xisbiga WADDANI u gudbiyey Maxkamadda sare ee ka dhanka ah kala qaadista labada doorasho, siagoo su’aal geliyey awoodda uu xisbiga WADDANI u leeyahay inuu dacwad ka gudbiyo arrin hay’adaha Qaranka ugu sarreeyaa si isku mid ah isugu raaceen, “Go’aanka labada doorasho lagu kala saaray waxa uu gaadhay golihii uu Cirro Guddoomiyaha u ahaa, isaguna waa guddoomiyihiiye dacwaddu ma waxa ay tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka oo aqalkiisii dacweeyey, go’aankana waxa gaadhay Golihii Wakiillada oo ah hay’addii ugu sarraysay ee Sharci-dejinta, cidda soo jeedisayna waa Madaxweynihii oo ah madaxii Fulinta, waxaana isku raacay laba hay’adood oo dhardhaarradii Qaranka ah, waxaanay u u sii socotaa hay’addii saddexaad oo Garsoorkii ah. Markaa xisbiga Qaran ee dacweeyey hay’adihii dawladdu ma dhardhaar afraad oo hay’adaha Qaranka ka awood weyn baa, miyaanay xisbiyadu ahayn wax ku abuurmay shuruucda dalka oo aanay ku abuurnayn soo jeedin madaxweyne iyo ogolaansho Wakiillada ah,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxa uu wax ku cusub taariikhda ku tilmaamay xisbi mucaarad ah oo u ololaynaya in aan doorasho madaxtooyo qabsoomin, waxaannu yidhi, “Mucjisada maanta Somaliland ka jirtaa waa xisbi muxaafid ah iyo Madaxweynihii fadhiyey oo leh doorashadii waynu qabanaynaynaa iyo mucaaridkii oo leh waanu ku dacweynaynaaye maxaad doorashada u qabanaysaa, WADDANI maanta waxay leeyihiin doorasho keli ahi way igu yartahaye laba doorashaan wada qabanayaaye mar ha la wada qabto, annaguse waxaannu leenahay haddii aad Madaxweyne diyaar u tihiin oo u sharraxan tihiin iyo haddii kaleba bisha March 28-keeda, 2017-ka doorashadii Madaxtooyada ayey sadexda xisbi u tartami doonaan Insha Allah.”

Ugu dambayntii Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta arrimaha doorashooyinka, “Mid baan caddaynayaaye deeq-bixiyayaashu haddii ay ina caawiyaan waa Alxamdulilaah oo way mahadsan yihiin, haddii ay la daahaanna doorashada waqtigeedii waa la qabanayaa oo loo fadhiyi maayo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi.