Somaliland: Muuse Biixi Oo Sheegay In Dacwadda WADDANI U Gudbiyey Maxkamaddu Soo Gaadhay Isaga Iyo Guddoomiye CIRRO Oo Madaxweynaha La Shiraya

0
691

“Dacwaddu ma waxa ay tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka oo aqalkiisii dacweeyey….” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay wax layaab leh dacwadda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI u gudbiyey Maxkamadda Sare ee uu ku diidanyahay go’aankii Madaxweynaha ee kala qaadista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu farta ku fiiqay khaladaadka sharci ee dacwadda xisbiga WADDANI u gudbiyey Maxkamadda Distooriga ah, isagoo xusay inay fajiciso tahay in xisbi Qaran uu dacweeyo nidaam sharci oo maray laba ka mid ah saddexda dhadhaar ee Qaranku ka kooban yahay oo ah Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada.

“Madaxweynuhu awood uma laha inuu labadda doorasho kala qaado ee talo ayuu u soo jeediyey Golaha Wakiillada, waayo goluhu iyagaa markii hore soo saaray in labada doorasho la isa saaro, taas ayuun buu madaxweynuhuna tixraacay oo waxa uu yidhi aniga waxay ila tahay inaynu labadii kala reebno si tan aynu waqti ugu helno, ta kalena aynu wakhtigeeda ugu qabanno, golihiiba la hor geeyey. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo ah Guddoomiyihii Baarlamaanka oo ah maamuuska qaranka ninka saddexaad inuu ka maqnaado markii soo jeedintaas golaha la horkeenayey, goluhuna wuu u hakiyey oo waa loo yeedhay, laakiin warqad buu soo qoray uu leeyahay fasax baan qaatay, isagaana is fasaxay, waxana la yabaan noqotay in arrinta miisaankaas leh uu fasax ka qaatay oo weliba 53-mudane u codeeyeen oo xataa aannu madaxweynuhu soo celin karin, maaddaama ay aqlabiyad xoog leh tahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayey siyaasiyiin iyo taageerayaal ku biiray Shalay.

Waxa kale oo uu ka hadlay ballan fur uu ku dooday in xisbiga WADDANI mar walba ku sameeynayey talooyin iyo wadahadallo axsaabta siyaasaddu ka yeelatay arrimaha doorashooyinka oo uu ka mid yahay heshiiskii saddexda xisbiba wada saxeexeen ee ahaa in ay aqbalaan oo u hoggaansamaan wixii Madaxweynuhu ka soo saaro muranka saami-qaybsiga. Sidoo kalena mar kale kulan saddexda Guddoomiye xisbi la yeesheen Komishanka Doorashooyinka wanaag ay ku kala yimaadeen kadib uu xisbiga WADDANI dacwad geeyey Maxkamadda Sare, waxaannu yidhi, “Isniintii dhawayd saddexdayada Guddoomiye xisbi iyo masuuliyiin wehelinaya noo yeedhay Komishanka doorashooyinka, waxay nagu yidhaahdeen doorashooyinkii waatan la kala qaaday oo Golihii Wakiilladu ogolaaday, doorashadii Madaxtooyada waa la gelayaaye saw diyaar uma tihidin, annaguna haa baanu nidhi, waxa kaloo ay nagu yidhaahdeen qoladii lacagta innaga caawin jirtay way ka cabanayeen kala qaadista, welina wax war ahi nagama soo gaadhine haddii ay waxba bixin waayaan waxaanu idinka doonaynaa in haddii loo baahdo aad dhaqaalaha diyaarisaan, si Komishan ahaan aanay ceebi nooga raacin inay doorashadu daahdo, waxaana saddexdayadii iyo Komishanku ku heshiinay in loo tafo-xayto inaanay doorashada Madaxtooyadu waqtigeedii dhaafin. Anigoo ballanqaaday in Xukuumadda laga sugayo wixii dhaqaale ah ee loo baahdo, waxaan u dhaqaaqay xaggii Madaxtooyada ileyn farrin baa lana faraye, waxaanan gaadhsiiyey farriintii oo aan ku idhi xilkaasaa ina fuulay, idimka Allaah waxba inagu baaqan maayaan buu yidhi Madaxweynuhu. Markii aan ka soo degayba (xafiiska Madaxweynaha) nin baa sallaanka Madaxtooyada igaga horyimi oo igu yidhi WADDANI baa adiga iyo madaxweynaha idin dacweeyey oo dacwad Maxkamadda geeyey.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu is-dul taagay dacwadda uu xisbiga WADDANI u gudbiyey Maxkamadda sare ee ka dhanka ah kala qaadista labada doorasho, isagoo su’aal geliyey awoodda uu xisbiga WADDANI u leeyahay inuu dacwad ka gudbiyo arrin hay’adaha Qaranka ugu sarreeyaa si isku mid ah isugu raaceen, “Go’aanka labada doorasho lagu kala saaray waxa uu gaadhay golihii uu Cirro Guddoomiyaha u ahaa, isaguna waa guddoomiyihiiye dacwaddu ma waxa ay tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka oo aqalkiisii dacweeyey, go’aankana waxa gaadhay Golihii Wakiillada oo ah hay’addii ugu sarraysay ee Sharci-dejinta, cidda soo jeedisayna waa Madaxweynihii oo ah madaxii Fulinta, waxaana isku raacay laba hay’adood oo dhardhaarradii Qaranka ah, waxaanay u u sii socotaa hay’addii saddexaad oo Garsoorkii ah. Markaa xisbiga Qaran ee dacweeyey hay’adihii dawladdu ma dhardhaar afraad oo hay’adaha Qaranka ka awood weyn baa, miyaanay xisbiyadu ahayn wax ku abuurmay shuruucda dalka oo aanay ku abuurnayn soo jeedin Madaxweyne iyo ogolaansho Wakiillada ah,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxa uu wax ku cusub taariikhda ku tilmaamay xisbi mucaarad ah oo u ololaynaya in aan doorasho madaxtooyo qabsoomin, waxaannu yidhi, “Mucjisada maanta Somaliland ka jirtaa waa xisbi muxaafid ah iyo Madaxweynihii fadhiyey oo leh doorashadii waynu qabanaynaynaa iyo mucaaridkii oo leh waanu ku dacweynaynaaye maxaad doorashada u qabanaysaa, WADDANI maanta waxay leeyihiin doorasho keli ahi way igu yartahaye laba doorashaan wada qabanayaaye mar ha la wada qabto, annaguse waxaannu leenahay haddii aad Madaxweyne diyaar u tihiin oo u sharraxan tihiin iyo haddii kaleba bisha March 28-keeda, 2017-ka doorashadii Madaxtooyada ayey saddexda xisbi u tartami doonaan Insha Allaah.”

Ugu dambayntii Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta arrimaha doorashooyinka, “Mid baan caddaynayaaye deeq-bixiyayaashu haddii ay ina caawiyaan waa Alxamdulilaah oo way mahadsan yihiin, haddii ay la daahaanna doorashada waqtigeedii waa la qabanayaa oo loo fadhiyi maayo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi.