Somaliland: Maxay Ka Wada hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka Dalladda SSE?

0
1006

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo), ayaa kulan la yeeshay oo Xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabbilay Hoggaanka Dalladda SSE (Somaliland Societies in Europe), waxaanay Xubnaha SSE ka socday Madaxweynaha uga warrameen noocyada horumarineed iyo isku-xidhnaanshaha Bulsho ee ay Dalladdu qabto, isagoo Madaxweynuhuna uga mahad-naqay booqashadooda iyo dedaalkooda.

Waxaa sidaas lagu War-Saxaafadeed xalay  ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen-Dayr, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal, waxaa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo uu weheliyo Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Adan Cige (Deyr) ayaa 20.9.2016 Xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dallada Guud ee kulmisa Jaaliyadaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan Qaaradda Yurub. Xubnaha weftiga waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Dallada SSE mudane Cabdiraxman Yasiin, Eng. Maxamed-Jibriil Balayax, Dr. Xuseen Cabdillaahi-Tanzani, Maxamed Baashe X. Xasan iyo Axmed M. Ducaale. Xubnaha ka socday Dallada SSE waxay Madaxweynaha si mug leh ugu bogaadiyeen wax-qabadka muuqda iyo horumarka aan la qarin karin ee ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay gaadhsiisay dalka JSL. Suxufi Maxamed Baashe X. Xasan oo ku hadlayey afka Dallada SSE ayaa si qoto dheer oo far-shaxannimo leh uga warramay noocyada horumar ee kala duwan ee ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo dalka ka hirgelisay muddadaa uu hayey hoggaanka iyo talada dalka. Mudane M. Baashe horumarka uu soo qaatay ee Xukuumaddan ku suntan waxa ka mid ahaa:-

Kordhinta Mushaharka Shaqaalaha Dawladda (100%),

Kobcinta Miisaaniyadda Qaranka (Lix-Jeer laab),

Bixinta Darajada Ciidamada Qaranka,

Hirgelinta Waxbarashada Bilaashka ah,

Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarrada Dalka,

Samaynta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),

Dhismaha iyo dayac-tirka Xarumaha Haya’adaha Qaranka,

Lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga,

Dhiirri-gelinta Maal-gashiga iyo Aaminaada Beesha Caalamka (sida, SBI iyo DP World),

Suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda,

Dhallinyarada siisay fursadaha ay kaga qaybgaleen maamulka dalka.

Madaxweynuhu wuxuu Xubnaha ka socday Dallada SSE ee booqashada ugu yimid uu uga mahad naqay dedaalka ay ugu jiraan sidii uu dalkeenu uga mid noqon lahaa beesha caalamka, sidoo kale wuxuu uga mahad naqay maalgashiga iyo taageerada dhaqaale ee ay Qurbe-joogu ku bixiyaan xagga horumarka dalka. Gebagabadii kulanka, Xubnihii ka socday Dallada SSE waxay Madaxweynaha guddoonsiiyeen Shahaado Sharaf ay Dalladda SSE ku maamuustay Madaxweynaha taasoo uu ku mutaystay dedaalka, dal-jacaylka iyo kartida uu Madaxweynuhu la yimid iyo hannaanka uu dalka JSL u gaadhsiisay horumar aan la qarin karin. Guddoomiye Cabdiraxman Yasiin ayaa isagoo ka wakiil ah Dallada SSE wuxuu Madaxweynaha guddoonsiiyey Shahaado Sharaftii ay ugu talo galeen.”