Somaliland: Kursiga Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Waddani Oo Meel Xaasaasi Ah Maraya

0
954

Loolanka kursiga murashaxa madaxweyne-xigeenka xisbiga Waddani ayaa noqday mawduuc siyaasadeed oo xaasaasi ah, waxaanay hadba xiisadiisu soo kordhaysa marka uu shirka golaha dhexe ee xisbigaasi soo dhawaado.

Loolanka ayaa ah mid u dhexeeya laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga Waddani kuwaas oo kala ah Maxamed Cali oo ah diblomaasi qunyar socod ah oo ka soo jeeda gobalka Awdal iyo guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo isna ah nin hadal cad.

Waxaana magaalada Hargeysa ka socda shir doceedyo kala duwan oo nuxurkoodu ku soo ururayo inay isu tanaasulaan intaan la gaadhin shirka xisbiga, si aanu loolankaasi dhibaato ugu keenin cududa xisbiga Waddani.

Lama saadaalin karo in labadan siyaasi isu tanaasuli doonaan iyo inay ku kala calaf qaadi doonaan shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qorshaysan horaanta bisha Oktoobar.