Somaliland: “Anigu Xisbigaan Ka Imi Waxba Odhan Maayo Oo Intii Boobe Yuusuf Ducaalle Ku Yidhi U Dhaafi Maayo”

0
907

 “Anigu Aasaaseyaashii Xisbigaan Ka Mid Ahaa oo 21 Uu Guddoomiye Cirro Ku Jiro Ayaanu Ku Aasaasnay,   Ujeeddada Digo-roshadayaduna Way Muuqataa Oo Waa……..” -Xoghayihii Daakhiliga Ee WADDANi Eng. A. A. Ubaxle

Siyaasiyiin iyo taageerayaal miisaan leh oo ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbul-xaakimka KULMIYE oo ku qaabilay xaflad ballaadhan oo xisbigu ugu qabay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay.

Siyaasiyiinta ka baxay xisbiga WADDANI iyo taageerayaashan oo uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee xisbiga WADDANI Mr. Axmed Cali Ubaxle, isla markaana ay xubno ka ahaayeen saraakiil tiro badan oo ka soo jeeda deegaannada Qorulugud, Coodanle iyo Wadaam-goo, ayaa si mug leh uga sheekeeyey sida ay ugu qanceen xisbiga KULMIYE, isla markaana diyaarka ugu yihiin inay garab istaagaan sidii xisbigu mar labaad majaraha ugu qaban lahaa talada dalka doorashooyinka soo socda, waxaanna soo dhaweeyey hoggaanka xisbiga KULMIYE oo u hormood u ahaa Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennadiisa kowaad iyo abaad – Maxamed Kaahin iyo Axmed Cabdi-dheere iyo kaadirka kale ee xisbiga.

Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee WADDANI, ahaana La-taliyihii Guddoomiyaha xisbigaasi ee dhinaca ganacsiga ee xisbiga WADDANI Mr. Axmed Cali Ubaxle, ayaa hadal uu ka jeediyey xafladda ku tilmaamay kaalintii uu kaga jiray xisbigiisii hore iyo sababta uu uga baxay, waxaannu yidhi, “Xisbigii WADDANI ee aan ka imi aasaayaashiisii baan ka mid ahaa 21 qof oo uu Guddoomiye Cirro ka mid ahaa baanu ku aasaasnay, waxna ka odhan maayo oo intii uu Mujaahid Boobe Yuusuf ka yidhi u dhaafi maayo.”

Mr. Ubaxle waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha ku kallifay in isaga xulafadiisu u soo digo-rogtaan xisbiga KULMIYE, waxaannu si gaar ah u tilmaamay dadaalka xisbigu ku jiro iyo baahida dalku u qabo murrashaxiisa Madaxweyne, “KULMIYE inuu yahay xisbigii barwaaqada, horumarka iyo isku kalsoonaanta inuu yahay shaki kuma jiro, KULMIYE iyo ujeeddada digo-roshadayadu waa intii dadka hadhsanayd uun baanu keennay, wayna muuqataa in mujtamacu meel isugu tagay, waxaana muuqata inay suurtogal tahay oo aan shaki badani ku jirin in murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE hoggaaminayaa iyo dhammaanba xubnaha xisbiguba ay diyaar u yihiin inay ummadda reer Somaliland ku hagaan meel ay ku gaadhaan mustaqbalka waxa ay hiigsanayaan, taariikhdana ay ku galaan inay noqdaan kuwii Somaliland horumar gaadhsiiya.”

Basra Dirir oo ka mid ah xubnaha haweenka degmada Qorulugud ugu magaca dheer oo iyaduna ka mid ahayd xubnaha halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahadnaqday soo dhaweynta loo sameeyey xubnaha cusub ee xisbiga ku soo biiray, waxaanay hoosta ka xarriiqday in deegaanada ay xubnahaasi ka soo jeedaan diyaar u yihiin is-garab taagga xisbul-xaakimka KULMIYE.

Sidoo kale, Cabdirashiid Axmed Iidle oo ku hadlayey afka garabka Dhallinyarada ee degmada Qoruligud, ayaa si mug leh u shaaciyey in cuddudan cusub eek u biirtay KULMIYE u heellan yihiin sidii ay hiil iyo hooba ula garabgeli lahaayeen bahweynta xisbiga KULMIYE, isagoo sheegay in muddadii ay ka midka ahaayeen xisbiga WADDANI ay la kulmeen jaha-wareer badan iyo degenaan la’aan dhinaca siyaasadda ah. Garaad Cabdixakiim Garaad Maxamuud Cali-shire oo ka mid ah hormoodka deegaanada Sanaag-bari oo kamid ahaa xubnihii xisbiga kusoo biiray, ayaa hoggaanka xisbiga ku hambalyeeyey sida ay ugu hawllan yihiin dhismaha iyo adkaynta xisbiga, waxana uu xusay in dedaalkoodu yahay mid bulshadu wada arkayo. Dhinaca kale, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE iyo Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen xafladda labaduba ku soo dhaweeyey cududda cusub ee ka soo digo-rogatay xisbiga WADDANI, kuna soo biirtay xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaanay u sheegay inay yimaadeen madal aan cidina ka sheegan doonin.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tilmaamay in xisbiga KULMIYE yahay xisbi ay qoor-weyntiisu leedahay waayo-aragnimo dheer, waxaanu si gaar ah u soo dhaweeyey siyaasiyiinta cusub ee xisbiga ku soo biiray, “Dadka KULMIYE joogaa waa dadkii soo joogay waayihii Somaliland subax walba soo martay ee nabadayntii iyo umadda midnamadeedii soo taagnaa, ragga innagu soo biirayna waa rag aqoonhayanno ah, si aad iyo aad ahna waanu u soo dhaweynaynaa oo iminka wixii ka dambeeya aynu taladiisa wadajir ku maamuli doono,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo xafladdaasi soo gunnaanaday, ayaa xubnaha cusub si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey, isagoo hoosta ka xarriiqay inay yimaadeen madal wada-tashiga iyo is-dhegaysigu saldhig u yihiin, waxaannu yidhi, “Waan ka mahadnaqayaa xubnaha cusubi xoogga, aqoonta iyo cududda ay xisbiga ku soo kordhiyeen, waxaanan si rasmi ah u shaacinayaa inay dhammaantood xisbiga KULMIYE ka mid yihiin, isla markaana la xuquuq yihiin Guddoomiyaha iyo inta xisbiga aasaastay iyo inta sii joogtayba. KULMIYE waxaad ugu imanaysaan talo wadaag ah, kal-baxnaan iyo dood loo siman yahay oo qof waliba ra’yigiisa cabiro, dooddu kululaato, mararka qaar dadka dibadda naga joogaa yidhaahdaan qoladii KULMIYE maanta ayey kala yaacayaan, laakiin KULMIYE taa wuu ku adkaadaa irridana wuxuu ka baxaa isagoo midaysan oo talo mid ah wada oo isku duuban.”