Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Liiska Dalalka Adduunka Ugu Amni Wanaagsan Sannadkan 2016

0
895

Sannad walba dunida guudkeeda shalay oo kale waxa laga xusaa maalinta loo asteeyey nabadda adduunka iyada oo la isku baraarijiyo qiimaha nabadda, sidoo kalena la soo ban dhigo goobaha adduunka ugu halis badan iyo kuwa ugu nabad gelyo wanaagsan.

Qormadan waxa aan ku eegi doonaa liis uu soo saartay ururka nabadda adduunka wax ka qoraa, liiskaasi oo ah kuwa adduunka ugu nabad wanaagsanaa sannadkan sii dhammaanaya ee 2016.

Ururka Nabadda adduunka oo shaaciyey dalalka adduunka ugu nabad wanaagsanaa wax auu sheegay in uu ugu horreeyo dalka Iceland ee qaaradda yurub ka tirsani halka dalka Denmark oo ka mid ah dalalka Scandinavian-ku kaalinta labaad kaga jiro iyada oo Austria noqotay kaalinta 3aad. Dhinaca dalalka Carabta waxa kaalinta 1aad ku jira dalka Qatar halka Kuwait iyo Imaaraadka Carabtu ka noqdeen kaalmaha 2aad iyo 3aad.  Qiimayntan oo sannad walba la sameeyo oo uu soo saaro ururka nabadda adduunka ee caalamiga ahi oo ay wada shaqayn leeyihiin qaramada midoobay waxa la qiimeeyaa xaaladda nabad gelyo ee dalalka, dhinaca dilalka, afduubka iyo guud ahaan amni darrada iyo waliba sida dalkaasi ula dhaqmo ama xidhiidhka ka dhexeeya dalalka jaarkiisa iyo guud ahaan dhaqaalaha uu ku bixiyo nabadda iyo xasiloonida.

10-Ka Waddan Ee Sannadkan 2016 Ugu Amniga Wanaagsanaa Waxa Ay Kala Yihiin:

  1. Iceland
  2. Denmark
  3. Austria
  4. New Zealand
  5. Portugal
  6. Czech Republic
  7. Switzerland
  8. Canada
  9. Japan
  10. Slovenia

5-ta waddan ee dalalka Carbeed ugu nabadgelyo wanaagsanaa 2016:

  1. Qatar
  2. Kuwait
  3. United Arab Emirates
  4. Tunisia
  5. Oman