Somaliland: Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Urur Goboleedka IGAD Oo Maanta Ka Socda Hargeysa

0
796

mudaharaadyo balaadhan oo ay dhigayaan ardayda wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee ku yaala magaalada hargeysa iyo qaybo kamida shacabka magaalada.
Waxaana mudaharaadkani uua haa mid lagu taageerayo go’aankii kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee ay ugu jawaab celisay qodobadii kasoo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada muqdisho,iyaga oona shacabkani ay taageerayaan qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland.
Waxa xidhan qaybo kamida wadooyinka magaalada hargeysa iyaga oona ay marayaan shacabka magaalada iyo ardayda waxbarashadu isla markaana ay ku dhawaaqayaan ereyo ay ku taageerayaan madax-banaanida jamhuuriyada Somaliland.
xukuumadda somaliland ayaa iyadu soo abaabushay mudaharaadkan ay dhigayaan ardayda iyo shacabka hargeysa
Qodobadii ka soo baxay dhawaan shirkii urur goboleedka IGAD ayaa waxa uu noqday mid wadamadii ka soo qayb galay il duufeen go’aanka shacabkan mudada badan samaystay nabadgelyada iyo horumarka, taasina waxa ay keentay in dawlada Somaliland ay ka biyo diido qodob ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirka oo durayay madaxbanaadnida Somalilnad.

2-31-740x416 14344113_916696238462445_7576061970470465601_n 14317499_916696281795774_7518054647140811529_n