Somaliland: Faysal iyo Maxkamadii Shalay: “Golaha Dhexe ayaa Doortay Musharaxnimada Jamaal Anigaa Gacanta U Taagay Ee Muuqaalka Iga Joojiya Garsoore.

0
850

Markii Shalay ay Maxkmadda sare ee Dastuuriga ahi, gudo gashay dhegeysiga Racfaanle Faysal Cali Waraabe, oo ka biyo diiday Xukunkii hore ee Guddida Diiwaangelintu kasoo saartay khilaafka Ucid, waxay Maxkamadda sare dhegeysatay qareenada labada dhinac iyo sidoo kale hoggaamiyaasha labada garab ee dacwada isku hayey oo ay kala horkacaayeen musharraxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali waraabe.

Haddaba, gudoomiye Faysal Cali waraabe waxa uu shalay Maxkamada horteeda ka hadlay dhawr jeer, kaasoo mar kastaa uu kaco, waxa uu markhaati furaayey Musharax Jamaal waxay ku doodayeen ayuu ku raaceyey inay saxan yihin, sidoo kale Faysal Cali waraabe waxa uu Maxkamadda u cadeeyey inuu heshiiskii uu la galay Jamaal Cali Xuseen uu ahaa mid sax ah, oo dhaqan galay. Isla mar ahantaana waxa waxa ui sheegay in Musharrax jamaal ay doorteen golaha dhexe ee Xisbiga Ucid oo iyagu ah Hayadda ugu saraysaa ee Xisbiga Ucid ee doorata Musharraxa, sidoo kalena waxa uu sheegay Faysal Cali waraabe inuu gacanta u taagay Musharrax jamaal Cali Xuseen oo aanu diidanayn Musharraxnimadiisa. Hase yeeshee waxa uu sheegay in heshiiskii qaybo kamid ah loo baahan yahay in lagu ansixiyo shirweyne aan caadi ahayn.

Faysal Cali waraabe oo shalay Maxkamadda horteeda ay hadaadiisu sida Dabeyl Xaggaada iska hor iyo daba imanaayeen ayaa mar kale u dooday sidan, “7 xubnood ayuu jamaal noo keenay markii àanu heshiiska wada galnay waxay ahayd inaan 21kii xubnood ee kaydka u ahaa Golaha Dhexe aan ku buuxiyo kadibna aan Guddida Diiwaangalinta u gudbiyo” Erayadan waxa ku tiraabay Faysal Cali Waraabe, fadhigii shalay ee dhagaysiga Dacwada ee Maxkmada sare.

Geesta kale, Faysal waxa uu ku hor ceeboobay Maxkamadda sare, kaddib markii qareenada Jamaal dalbadeen in loo ogolaado inay soo bandhigaan Muuqaalo Fidyow ah oo sheegeyey doorashadii Jamaal cali Xuseen ee golaha dhexe oo Faysal Farta u taagayo Musharraxnimadiisan uu hadda dafirsan yahay, markii dhawaaqasi kasoo baxay Looyarada jamaal waxa uu qaylo afka furtay Faysal cali waraabe oo ku dhawaaqay inaan maxkamada muuqaalka la keenin, oo uu qirsan yahay musharaxnimada jamaal cali xuseen inay tahay sax, isla markaana uu doortay isaggu gacanta u taagay, maanta se ui khaldan yahay.

Sidoo kale waxa goobtaa weedhaha Faysal iyo qirashada uu Maxkamadda ka horsameeyey ka cadhooday Looyaradii u doodayey isagga oo sheegay inuu Faysal markiisii hore khaldan yahay. Waxa kaloo qisooyinka cajiibka ah ee Faysal la shiryimi waxa kamid ahaa in isaggana loo daayo Gudoomiyenimadiisa oo heshiiskaa oo ku yahay gudoomiye, waxa kaloo Faysal Maxkamada ka hor cadeeyey inuu markii heshiiska la gelaayeybaa uu jiray Xeerk ucid, kaasoo ku haftay Suaal la weydiiyey in markii uu heshiiska galay inuu xeerku jiray.