Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa daadifeeyey aragtida Beesha Caalamku ka qaadatay go’aanka Madaxweynaha Somaliland uu soo saaray toddobaadkii hore ee ku saabsanaa kala qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, islamarkaana soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynaha iyo Ansixintii golaha Wakiilada ee go’aankaasi, sidaa awgeedna sheegay inay Beesha Caalamku garwaaqsan doonto inaan waqtiga ka hadhay xilligii hore loogu cayimay qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda aan lagu dhameyn Karin arrinta Saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada, haddii ay Beesha caalamku bixin weydo dhaqaalaha ku baxay doorashada Golaha Wakiiladana ay dawlada Somaliland bixin doonto dhaqaalahaasi, doorashada Golaha Wakiiladunu ay qabsoomi doonto.