War Deg Deg Ah: Siyaasi Cismaan Hindi oo ku Geeriyooday Magaalada London

0
1012

Allaha u Naxariistee Waxaa maanta  Geeriyooday Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo ku magac dheeraa Cismaan Hindi.

Siyaasi Cismaan ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku Yaala Magaalada London halkaasi oo Bilihii u dambeeyay uu xaalad caafimaad u jiifay.

Siyaasi Cismaan Hindi waxaa uu ka mid ahaa Golihii Dhexe ee Xisbigii Burburay  UDUB iyadoo marxuumka Lagu Xusuusto Hadalo uu jeediyay Markii Xisbigaasi lagaga Guuleyso Doorashadii Madaxwaynaha oo uu sheegay in Xisbiga UDUB oo ahaa Xisbi xaakim lagaga Shubto Doorashada Balse waxaa go’aankaasi markii dambe ka Hadlay Madaxwaynihii Wakhtigaas ee Daahir Rayaale Kaahin.

Cismaan Cabdilaahi Cigaal Waxaa uu mudadaas kadib ahaa siyaasiyiinta Madaxa Banaan ee Somaliland isaga oo aan ku biirin Xisbiyada ka Jira Somaliland, waxaana uu Mulkiilaha ka ahaa Huteel Crown ee Magaalada Hargeysa.

Siyaasiga Maanta ayaa isagoo da’diisa lagu sheegay 60maadka uu ku geeriyooday Cisbitaal  ku yaala Dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha Wargeyska Himilo iyo dhamaan Shaqaalaugu warbaahinta HIMILO waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehellada iyo qaraabadii uu ka Dhintay Marxuumku waxaana Marxuumka ay Ilaahay uga Baryayaan inuu Janadii ka waraabiyo.Aamiin Aaamiin.