War Deg Deg Ah: Marxuun Ay Xalay Dabley Hubaysani Ku Dileen Duleedka Magaalada Burco Iyo Ciidamada Booliska Oo Bilaabay Baadhitaano Ka Dhan Ah Dableydaa Dilka Gaystay

0
808

Warar naga soo gaadhaya magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer soona gaadhaya xafiiska shabakada Wargane News ayaa sheegaya in xalay dabley hubaysani ay duleedka magaalada burco gaar ahaana deegaanka Godorka oo dhanka bari kaga began magaalada burco ku dileen nin reer miyi ah.

Waxaana ninkan ay dableydu xalay dishay lagu magacaabi jirey Axmed Hure,waxaana sida naloo sheegay ay dableydani marxuunka ku fureen rasaas taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo.

Illaa hadda lama garanayo cida dishay marxuunka iyo waliba sababta ay u dileen.

Ciidamada booliska gobolka togdheer ayaa bilaabay baadhitaano ka dhan ah dableyda dishay marxuunkan reer miyiga ah ee lagu magacaabo Axmed Hurre,iyaga oona ciidamadu soo qaaday maydka marxuunka,haddana uu yaalo cusbitaalka wayn ee magaalada burco.