War Deg Deg Ah:-Madaxwayne Siilaanyo Oo Goordhaw u Baxaya Gobolka Saaxil Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
886

Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka baxaya gobolka saaxil gaar ahaana magaalada Dacar-budhuq.

Waxaana safarka madaxwaynuhu daaran yahay sida ay shabakada Wargane News u xaqiijiyeen masuuliyiin kamid madaxtooyadu in uu madaxwaynuhu xadhiga ka jarayo mashaariic laga hir galiyay degmadaasi.

Waxaana la filayaa in goor dhaw ay ka baxaan qasriga madaxtooyada,sidoo kale wararka aan helayso ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynuhu la filayo inuu gaadho magaalada berbera.