Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadley Halka Uu Ku Danbeeyay Wadahadalka Xisbigiisa Iyo Kooxda Is-bahaysiga KULMIYE.

0
918

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadley Halka Uu Ku Danbeeyay Wadahadalka Xisbigiisa Iyo Kooxda Is-bahaysiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu weli socdo wadahadal u dhexeeyey Xisbigaas iyo Siyaasiyiinta Garabka Dimuquraadiyad-doonka ee Xisbiga KULMIYE ka falliidhmay dabayaaqada sannadkii tegay.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inay hawsha wadahadalka ku jiraan laba Guddi oo ay wada-xaajoodka u kala magacaabeen Xisbiga WADDANI iyo Garabka dimuquraadiyad-doonka KULMIYE, isla markaana uu filayo inay dhawaan soo gebo-gabeeyaan wadahadalka weli u socda.

“Guddigii ay labada dhinac u saareen wadahadalka ayaa wali wada hawsha, wadahadalkiina weli muu soo afjarmin, dhawaanna waxaannu filaynaa inaannu soo gebagabayn doonno wadahadalkaas.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo Ka Hadley Halka uu ku Danbeeyay Wadahadlkii Iyaga Iyo Isbaheysiga