Somaliland: Dawladda Itoobiya oo ka Hadashay Mowqifka Somaliland Iska Taagtay Qoddob ku Jiray War-murtiyeedkii IGAD

0
1045

Warbixin Todobaadle ah oo Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya soo Saarto oo lagu Baahiyay Jawaabtii Madaxweyne Siilaanyo Ee  Shirkii IGAD

Wasaaradda Arrimaha dibadda dawladda Fedaraalka Itoobiya, ayaa  warbixinteeda  toddobaadlaha ah ee ay ka qorto dalalka  Mandaqadda Geeska Afrika, waxay shalay ku baahisay jawaabtii  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku naqdiyay qoddob ku jiray  war-murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedkii urur-goboleedka IGAD ee toddobaadkii hore ku qabsoomay Magaaladda Muqdisho ee dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya.

Sida lagu daabacay shabakadda  wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay  werisay  in madaxweyne Siilaanyo cambaareeyay qoddobkii ku wajahnaa  midnimadda Soomaaliya ee ku jiray war-saxaafadeedkii laga soo saaray gunaanadkii shirkii 28-aad ee aan  caadiga ahayn ee IGAD. “Madaxweynaha Somaliland,Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu cambaareeyay  Arbacadii 14-kii Bishan September war-saxaafadeedkii shirkii IGAD  gaar ahaan qoddobkii  ay dib ugu xaqiijinayeen madax-banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya,”ayaa lagu yidhi warbixintaas todobaadlaha ah.

Warbixintu waxay intaas ku dartay “Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inaanu qoddobkaasi  aanu ahayn mid ka turjumaya   xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somalia iyo Somaliland-ba. Kama mid nihin, qeyb-na kama nihin maamul goboleedyadda Soomaaliya.”

Wasaaradda Khaarjiga Itoobiya waxay warbinteeda ku iftiimisay in madaxweyne Siilaanyo caddeeyay “In siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xilligan ku sugan Muqdisho aanay matalin Somaliland isla markaana aanay wakiil ka ahayn shacabka Somaliland.”

Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya cilaaqaad saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi oo ay iskaga kaashadaan dhinacyadda adkaynta Nabad-gelyadda, Ganacsiga iyo la dagaalanka argagixisadda caalamiga ah.