“Shirguddoonkii Sharciga Ilaallin Lahaa Ee Golaha Wakiilladu, Guddoomiyaheedii Baa Kolkii Ugu Horreysayba Jebiyey. Guddoomiyuhu Wuxuu Ku Jebiyey Laba Shaqo Ayuu Isku Hayaa”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyada Somaliland haatanna ka mid ah odayaasha madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa guddoomiyaha golaha wakiillada ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] ku  tilmaamay in uu sababteeda leeyahay go’aanka lagu kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo tan golaha wakiillada. Maxamed xaashi Cilmi oo Khamiistii waraysi uu Magaallada Hargeysa ku siiyey Weriye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heello) oo HCTv ka tirsan kaga hadlay arrimo kala duwan oo shirkii IGAD ee Muqdisho ka qabsoomay kamid yahay waxaa uu sidoo kale Guddoomiye Cirro Ku Eedeeyey in dib u dhaca doorashooyinka, waxaanu si gaar ah u duray guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro “shirguddoonkii sharciga Ilaallin lahaa ee golaha wakiilladu, guddoomiyaheedii baa kolkii ugu horreysayba jebiyey. Guddoomiyuhu wuxuu ku jebiyey laba shaqo ayuu isku hayaa” sidaa ayuu yidhi Muj. Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu intaa ku  daray “Qoddobka 12aad ee distoorka Somaliland waxaa farqadda [paragraph] 3 ku qoran oo uu leeyahay nin xil [qaran] hayaa xil kale oo uu ugu danaysan karo ma qaban karo.  Cabdiraxmaan Cirro wuxuu hayaa xilkii shirguddoonka golaha wakiillada, haddana madax wuxuu ka yahay xisbi qaran oo WADDANI la yidhaahdo, Gaadhigii [golaha wakiillada] ayuu wataa oo shidaalkii uu ugu shaqaynayay qaranka ayuu isticmaalayaa. Shaqadii golaha wakiillada ee ahayd in uu waxan dhammeeyo oo sharciyadan doorashada lagu daba galo, ayaa waxa uu uga leexday mid uu isagu leeyahay oo doorasho iyo tartan ah, taasina waa qalad labaad oo shirguddoonku  ku jiro. Kolkaa 82 qof ninka ka adkaan waayay dal baan u bu’ayaa inaan xukumana meesha kuma jirto”. Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.