Somaliland: Dawlahada Somaliland ka Taageera Doorashooyinka oo Walaac ka Muujiyay Go’aan Madaxwayne Siilaanyo ka qaatay Doorashooyinka

0
733

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in beesha caalamku walaac ka qabo go’aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku kala qaaday in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka oo loo qoondeeyay inay mar wada qabsoomaan horraanta sannadka dambe. Sida lagu sheegay warmurtiyeed ka soo baxay Xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa.

 

Warmurtiyeedkan ka soo baxay xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa, isla markaana lagu sheegay in dawladda Ingiriisku ku metelayso dalal ay ka mid yihiin, Maraykanka, Iswiidhan, Denmark, Midowga Yurub iyo qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in beesha caalamku aanay u bogin go’aanka madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanka oo hore ugu qorshaysnaa inay mar wada qabsoomaan bisha saddexaad ee sannadka dambe. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu yidhi, “Dib u dhigista doorashooyinka Aqalka Baarlamaanku waxa lagu dhawaaqay iyada oo aan loo haynin sabab sharci oo rasmiyan cad, iyadoo guddoomiyaha Maxkamadda Sare hore u sheegay in doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka la wada qabto bisha saddexaad.” Dadweynaha Somaliland ‘ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan, ‘Waxay safaf u galeen inay isdiiwaangeliyaan si ay u codeeyaan labdaa doorasho ba, iyagoo yididiilo ku qabay in loo ogolaan dono inay codkooda dhiibtaan wakhtigaas.”

Beesha Caalamku ayaa warsaxaafdaeedkani tilmaanay inay wakhtigii ku habboonaa bixiyeen wixii caawimo kaga aaddanaa doorashooyinkaas, isla markaana diiwaangelinta sida habsamida ah dalka uga qabsoomtay ay tahay astaan muujinaysa In labada doorasho la geli karo wakhtigaas. Wax akale oo warmurtiyeedkan lagu sheegay in aanay beesha Caalamku, waa sida uu u qornaaye, aanay diyaar u ahayn inay bixiyaan wixii kharash dheeri ah ee ka soo baxa labada doorasho ee la kala qaaday.

Beesha Caalamku waxay ayidsan tahay in ay muhiim tahay wada-xaajoodyada ka socda Somaliland, waxaanu se Madaxweynaha Somaliland ugu baaqaynaa, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa in uu dejiyo hannaan qeexan oo la xidhiidha doorashada baarlamaanka, si loo helo bay idhaahdeen saami-qaybsi caddaalad ku qotoma iyo si ay dadka reer Somaliland u helaan wakiillo iyaga metelaya. Waxaanu mar kale ku celinaynaa, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas, in wakhti sugan oo doorashooyinka baarlamaanka la qabtaa aanay ka hor imanaynin hannaanka saami-qaybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo wada-xaajoodyada socda, sidaasi darteed waxaannu madaxweynaha Somaliland ugu baaqaynaa in labada doorasho mar la wada qabto bisha March ee sannadka dambe 2017.

Dhinaca kale, afhayeenka madaxweynaha oo shalay warbaahinta la hadlay mar la soo gunaanaday kulan dhex maray madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ingiriiska oo safar dalka ku yimi, ayaa sheegay waxyaabaha madaxweynuhu la wadaagay weftigaa Ingiriiska ka socday.

Labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ayaa hore loogu qoondeeyay inay wada qabsoomaan 28 bisha saddexaad ee sannadka dambe, hase ahaatee, madaxweyne Siilaanyo ayaa go’aan uu soo saaray ku sheegay in aanay suurtogal ahayn taasi, ka dib markii xisbiyada siyaasaddu u gudbiyeen in uu isagu go’aan ka gaadho.

w1-394x300 w1