Somaliland: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Beeniyay In Uu Warancade Iska Casilay Xilka Safiirnimo

0
998

Wasiirul Dawladaha Wasaarada Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Cabdi Daahir Camuud ayaa beeniyay in uu is casilay safiirka cusub ee Somaliland u fadhiisan doona magaaladda Adis Ababa Cali Maxamed Warancade.warancade oo ahaa Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ay maalmihii ugu dambeeyey shabakadaha wararkubaahinayeen in uu ka cilmiyooday xilkii safiirnimo ee dalka Itoobiya ee uu hore u sheegey in uu qaatay oo uu jecel yahay waliba.
Cabdi Daahir Camuud Oo qoraal kooban ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga ayaa yidhi: “Warka Cali Warancadde ee sheegaya inuu is casilay waa been iyo hadal meel waayey. Sidaasi awgeed dadka shubaya beenta waxaan odhan lahaa iska dhhafa beenta cali warancade waa geesi dalkiisa u shaqaynaya waxa kali ah ee u hadhsani waa ambasatoor iyo madaxweyne uu noqdo markaa wuu gaadhay ambasatoorkii. wxii u hadhsani madaxweyne.markaa ismuu casilin ee shaqadiisii wuu qabanayaa”. Ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gunaanaday isaga oo daba socda hadalo ay maalmihii ugu dambeeyey warbaahintu ka qoraysay Cali Warancadde.