Somaliland: Komiishanka Doorashooyinka Oo Sharci Daro Ku Sheegay Guddi Ay Xubno Ka Yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Oo SONSAF U Xushay Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

0
1022

“Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu si cad u qeexayaa in aanay SONSAF lahayn awood sharciyeed (Mandate) oo ay ku abuuri karto guddi xallisa khilaafaadka Doorashooyinka..” War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Komiisahanka Xalay

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Sharci darro ku tilmaamay Guddi loogu Magac daray “Guddida Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka’ oo Toddobaadkan ay ku dhawaaqday Dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF.

Komiishanku wuxuu sheegay in Khilaafaadka ka dhasha Doorashooyinka iyo Cabashooyinka dhinacyada ay Doorashooyinku khuseeyaan leeyihiin Hab-raac ku cad xeerarka kala duwan ee Doorashooyinka, kuwaasi oo uu Komiishanku ku dooday in ku shaqeyntooda iyo dabbaqiddooda loo daba fadhiisanayo.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse, kaas oo Guddida Doorashooyinka Qaranku Xalay Wargeyska Himilo soo gaadhsiiyeen.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranna wuxuu u qornaa sidan:- “Guddida doorashooyinka Qaranku waxa uu halkan ku caddaynayaa in Guddida loogu magac daray ‘Guddida Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka’ ee ay ku dhawaaqeen dallada ururrada aan dawliga aheyn ee loo soo gaabiyo magacooda SONSAF, sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan taariikhdu markii ay aheyd 08/09/2016, aanay aheyn mid ku dhisan Sharci.

Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu si cad u qeexayaa in aanay SONSAF lahayn awood sharciyeed (Mandate) oo ay ku abuuri karto guddi xallisa khilaafaadka Doorashooyinka, cidda kaliya ee u igman qarankana uga masuul ah inay xaliyaan khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinku waa Guddida doorashooyinka Qaranka sida ku cad qodobka 14aad, farqadiisa 7aad ee xeerka doorashada (Xeer Lr. 20/2001).

Muranada cabashooyinka la xidhiidha doorashadu waxa ay leeyihiin hab-raac iyo jaran-jaro dhameystiran oo loo raaco xallintooda, kana bilaabmata goobta codbixinta, loona gudbiyo xafiisyada heer degmo, heer gobol iyo heer Qaran ee Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaanu hab-raacaasi ku dhamaadaa Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee JSL.

Hab-raacaasi lagu xaliyo wixii muran ah ee doorashooyinka kasoo baxaa waxa si cad u faahfaahinaya xeerarka doorashooyinka sida xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka Qodobadda 14aad (7), 49aad, 53aad(4), 57aad (C), 59aad (3), 62aad (1,2,3,4), 64aad (A), 65aad (1,2), iyo si waafaqsan Qodobadda 46aad. 49aad (4), 50aad (3), 53aad (J), 57aad (F), 59aad (C), 61aad, (1,2), ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada (Xeer Lr 20-2/2005).

Haddaba, waxa layaab leh, in Hay’ad aan wax awood ah ku lahayn geedi-socodka xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka doorashooyinka, isla-markaana aan lahayn xil Dastuuri ah ama Xeer u jideeyey in ay magacawdo Guddi aan Xeer jidayn, taas oo baal-marsan hannaanka sharci ee xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka Doorashooyinka, Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay ka digayaan cawaaqib xumada ay yeelan karto abuuriska iyo ku dhawaaqista guddi aan sharci ku dhisnayn. Taas oo cawaaqib xumo dhaxalsiin karta habsami u socodka doorashooyinka, Nabadgelyada, Xasilloonida, Kala-danbeynta sharci iyo kalsoonida shacabku ku qabaan Doorashooyinka.

Waxaanu hay’adaha Xukuumadda, Sharci-dejinta, Garsoorka iyo dhammaan daneeyayaasha, la socodsiinaynaa in Guddidaasi ay samaysay SONSAF aanay awood sharci u lahayn shaqadaasi, isla-markaana baal marsan yihiin hannaanka iyo habraaca xallinta khilaafaadka iyo cabashooyinka kasoo baxa doorashooyinka ee sharcigu jideeyey, sidaa darteed, go’aan kasta oo ay soo saaraan uu yahay waxba kama jiraan (Null and Void).

Guddida Doorashooyinka Qaranku waxa ay ugu baaqayaan SONSAF in ay faraha kala baxaan, shaqada iyo awoodaha sharci ee Guddida Doorashooyinka Qaranku u igman yihiin ugana masuul yihiin Qaranka JSL.”

Guddida Xallinta khilaafaadka ee SONSAF Magacowday, balse Komiishanku diiddan yahay, ayaa waxa Xubno ka ah Madaxweyne ku-xigeennadii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xubno kale oo muhiim ah.