Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaaa maanta xafiiskiisa ku qaabiiley wafti ka socday dawlada ingiriiska oo ay kamid yihiin agaasimaha arimaha dibada dawlada ingiriiska iyo safiirka dawalda ingiriiska u qaabilsan arimaha Somaliland iyo somaliya isla markaana hawlo shaqo u yimi somaliland.

Waxaana kulankan  maanta jilbaha laysku aastay iyaguna goob joog ka ahaa xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland kuwaasi oo ay badankooda khuseysay arimaha laga wada hadlayay.

Waxaana kulankan intii uu socday diirada si adag loogu saaray arimaha doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay qabsoomaan bilowga sanadka soo socda ee 2017 iyo waliba go’aankii uu dhawaan madaxwayne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada isla markaana muddo kordhintooda ay hortaalo golaha guurtida Somaliland.

Waftigan ayaa la sheegay inay madaxwaynaha kala hadleen arimahaasi iyo waliba sida aanay beesha caalamka iyo deeq bixiyayaashu toona u rabin in lakala qaado labada doorasho balse ay ku qabsoomaan xilligii loo asteeyey inay qabsoomanaan doorashooyinku oo ah bisha march sanadka 2017-ka,sidoo kalena waxay waftigani sheegeen in deeq bixiyayaashu ay isha si adag ugu hayaan go’aankaasi uu qaatay madaxwaynuhu ee uu ku kala qaaday labadan doorasho aanayna raali ka ahayn.

Sidoo kalena dhankooda madaxwayne Siilaanyo iyo wasiiradan kulanka goob jooga ka ahaa ayaa iyagana la sheegay inay  dhankooda ku gorgortameen in wakhtigan loo baahan yahay in lakala qaado labada doorasho ee si barkan ee madaxtooyada iyo golaha wakiiilada.

Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararka Ramaasnews kana helayso ilo wareedyo ka agdhaw madaxtooyada ayaa sheegay in waftigani ay aad uga cadhoodeen go’aanka madaxwaynaha ee kala qaadista labada doorasho iyada oo ay hore dib u dhac ugu timi doorashadii madaxtooyada Somaliland oo balanku ahaa inay qabsoonto 26-June ee sanadkii ina dhaafay ee 2015-ka,iyada oona kulankaasi lagu soo kala kacay,ayna waftigani diideen in dib u dhac ku yimaadaan labada doorasho

Sidoo kalena waftigan ayaa iyaguna markii ay kulanka kazoo baxeen waxaanay la hadal warbaahinta oo iyagu kulankani dabad joog ka ahaa,isla markaana doonayay inay xog ka helaan dhankooda waftigan qodobada laga wada hadlay su’aalo-na ku waydiiyaan.

Ugu danbayn beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera doorashooyinka Somaliland ayaa iyagu il gaara ku haya go’aanka madaxwaynaha ee uu ku kala qaaday labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada iyagana oona walaac xoogan ka qaba,cabsi wayna laga qabo in hakiyaan deeqdii ay Somaliland kaga taageeri jireen dhanka doorashooyinka Somaliland hadii ay dib u dhacaan doorashooyinka somaliland.

madaxtooyada somaliland oo iyadu warbaahinta la hadashay ayaan soo bandhigin xaqiiqada rasmiga ah ee kulankan,qodobada laga wada hadlay iyo waliba natiijada kasoo baxday.