Somaliland: Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyay In Loo Diyaar-garoobo Colaadda Soomaliya, Lana Ciidammeeyo Ardayda Dhamaysata Dugsiyada Sare

0
903

“Waxa Ciidammada loogu dhisayaa Soomaaliya waa inay burburiyaan Somaliland, markaa waxaan soo jeedinayaa inaynu Ciidan adag samaysanno, oo aynu Gacanna ugu diyaar-garowno Dagaal…” Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiillada Somaliland

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka digay Colaadda Soomaaliya ku doonayso inay ku waxyeelayso Somaliland oo Muddo 25 Sannadood ah Nabadgalyo ku naaloonaysa, waxaanu ku taliyey in Cadaawaddaa loo diyaar-garoobo oo la dhiso Ciidammo Cudud xooggan leh.

Guddoomiye Baashe-Cadde oo Habeen hore ka hadlayey Kulan uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Guddida Qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland, ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya doonayso in la maseeyo Somaliland iyo Soomaaliya isla-markaana mushkiladaha Nabadgalyo darro ee haysta loo soo raro dhanka Somaliland, taasina u baahan tahay in lagu barraarugo oo laga diyaar-garoobo.

“Soomaaliya waxay doonayaan inaynu sidooda ku noolaanno, maaha Niman danteenna wada, sidaa daraadeed waxaan Madaxweyne soo jeedinayaa inaynu Ciidan adag samaysanno, oo Ardayda ka soo baxaysa Dugsiyada sare u samaynno Tababbar (Ciidannimo), oo aynu Gacanna ugu diyaar-garowno Dagaal, gacanna ugu diyaar-garowno ictiraaf raadin, Waayo? waa badheedh oo waa la inoo badheedhsan yahay.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Baashe, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlayey Ujeeddada Shir Urur-Gobolleedka IGAD uga qabsoomay Muqdisho Salaasadii Toddobaadkan, “Dawladaha IGAD awalna waxba kamaynaan sugayn, waxan ay ku kacayaana waa (Khalad), way ogyihiin inay Somaliland tahay Nabadgalyo, way ogyihiin inaynu intaas oo doorasho galnay, way ogyihiin inaynu leenahay Xukuumad, Baarlamaan, Calan iyo Lacag, laakiin waxay IGAD rabaan inay siday u burburiyeen Soomaaliya u burburiyaan tanna (Somaliland), markaa waxaan soo jeedinayaa inaynu samaysanno Cudud adag, oo aynu Ardayda ka soo baxaya Dugsiyada sare gelinno Iskaa wax u qabso, oo aynu u diyaar-garowno Cadaawadda inagaga soo socota Soomaaliya.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Ciidammada loo dhisayo Soomaaliya la doonayo inay burburiyaan Somaliland, waxaanu yidhi, “Maalin walba waalla caawinayaa, Ciidammo ayaa loo dhisayaa, waxa loogu dhisayaana waa inay burburiyaan Somaliland.”

Baashe Maxamed Faarax, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in Reer Somaliland iyo reer Soomaaliya aanay ahayn Walaalo, in Walaalo lagu sheegaana khalad tahay, “Anigu Walaalo ayaynu nahay odhan maayo, haddaynu Walaalo nahay (Soomaaliya) Waxoogana way qabsan lahaayeen, innagana way inna dhisi lahaayeen. Intaas oo wada-hadal baynu la galnay, wax alaale iyo wax aynu ka faa’iidnay ma jirto, markaa Walaalo ma nihin, Inama aqoonsana oo Jiritaankeena ayay ka xun yihiin, markaa waxaan soo jeedin lahaa inay Ciidan adag dhisanno oo aynu u diyaar-garowno Cadaawadda inagaga soo socota Soomaaliya. ILAAHAY baa marba sii kala daadinaya, waa kuwaa 8-da (Maamul) u qaybsan, wayna sii kala qaybsamayaan. Markaa aynu Kalsooni muujinno, Dadkeenna mideynno oo aynu meel u wada jeedsanno.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Beesha Caalamku doonayaan in Somaliland ka daasho Ictiraaf-raadinta si marka dambe loogu qasbo inay dib ula midowdo Soomaaliya, “Bulshada Caalamka iyo Urur-gobolleedka IGAD way inoo badheedhsan yihiin, ee yeynaan Madaxweyne wakhti badan iskaga lumin. Waxa la rabaa inaynu Ictiraaf-raadinta ka daallo oo la innagu khasbo inaynu Soomaaliya ku noqonno, sidii Madaxweynuhu sheegayna hadday boqol sannadood qaadaneyso inteennaa yar baynu isku filleysiinaynaa, ee aynu dhisno Midnimadeena iyo Walaalnimadeenna oo aynu meel u wada jeedsanno.”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku koobay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax.