Somaliland: Xukuumadda Oo Aamusnaan Ku Daawanaysa socdaal Uu Mas’uul Maamulka Muqdisho Xil Ka Hayaa Hadhc-cad Kasoo Degey Hargeysa

0
869

Xukuumaddu Miyay Ka Habranaysaa Mise Wey Ka Huruddaa Mudannahan dhex Mushaaxaya Bar-kulanka Bulshada?

Xadhiggii Xidagaha Geeska Ee Muqdisho Booqashada Kaga Soo Noqday Iyo Tamashlaynta Mudanahan Mabda’a Somaliweyn Xambaarsan Oo Bulshada Isu Qaban La’

Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka ee dawladda federaalka ah ee dalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii u dembeeyey ku sugnaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa isaga oo aan haba yaraatee wax shido ah kala kulmin dawladda, isla markaana si caadi ah uga soo degay madaarka. Xildhibaankan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland balse dawladihii kala dembeeyey ee dalkaasi Soomaali loo dhisay ka mid ahaa xildhibaannadeeda ayaa toddobaadkanba si aan qarsoodi ahayn u daansha daanshoonayay Hargeysa. Xildhibaan Cabdalle Xaaji Cali Axmed oo kamid ah mudaneyaasha dhalasho ahaan reer Somaliland ee ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa si aan qarsoodi ahayn u daasho daashoonaya huteellada iyo goobaha ay bulshadu ku kalanto ee caasimadda ku yaalla. Xildhibaan Cabdilla Xaaji Cali oo dhalasho ahaan Somaliland kasoo jeeda, isla-markaana muddo dheer kamid ahaa baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhawaan Somaliland dhuumasho kaga soo galay xadka ay la wadaagto dawladda Djibouti, waxana uu ku degay dhismayaasha ehelladiisu ku leeyihiin Hargeysa, waxana hawl-wadeeno katirsan Wargeyka Hubaal indhahooda ku arkeen isagoo ka qaxweynaya qaar kid ah huteellada   magaalada ku yaalla. Wararka ku saabsan joogitaanka xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali ee uu helayo Wargeyska Hubaal, ayaa intaas ku daraya inay jiraan masuuliyiin xukuumadda iyo hay’adaha kale ee sirdoonka iyo laamaha socdaalka katirsan oo si dhaw ula socda imaamshiyaha mudanahan katirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo habrasho darteed doorbiday inaanay wax tallaabo ah ka qaadin muwaadinkan qarankiisa iyo rabitaanka umaddiisaba kahoryimi. Hay’adaha ammaanka iyo xakamaynta dhaqdhaqaaqyada shakhsiyaadka noocan oo kale ah qaabilsan, ayaa indhahooda ka qarsanaya inay mudanahan wax tallaabo ka qaadaan, waxana uu waddanka ku joogaa ogolaanshahooda oo aan rasmi ahayn, iyadoo aanay jirin warar rasmi ah oo caddaynaya sababta wax looga qaban waayey shakhsiyagan hagardaamada ku ah rabitaanka shacbiga. Wararka aanu helayno, ayaa sheegaya in xildhibaankan lagaga habranayo awoodo xagga maaliyadda iyo mansabyo qaar kamid ah ehelladiisu ka hayaan Somaliland, kuwaas oo u sahlay inuu si sahlan u dhex mushaaxo caasimadda Hargeysa ay ka mamnuuc yihiin shakhsiyaadka mabda’iisa oo kale aaminsan.  Ma cadda sababta uu xildhibaan Cabdalla xaaji Cali u jooga caasimadda Hargeysa, balse wararka aanu hayno, ayaa sheegaya inuu arrimo isaga gaar u ah Hargeysa u joogo, isla-markaana ay jiraan hay’ado badan oo qarankan katirsan oo ka war haya safarkiisa uu caasimadda ku joogo. Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa marar badan xabsiga u taxaabtay shakhsiyaad dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland oo socdaallo ku tegay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen xubno kamid ah fannaaniinnta xidigaha Geeska, kuwaas oo maalmo kooban xabsiga ku jirey, waxase su’aashu tahay sababta ay xukuumaddu tallaabo uga qaadi weyday xildhibaankan sida aan qarsoonayn Hargeysa ku jooga. Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali, ayaa bishii October ee  sanadkii 2011-kii xabsiga loo taxaabay, kadib markii uu kasoo degay magaalada Berbera, isagoo aan xilligaan ahayn mudane Baarlamaan, balse muddo kadib waa lasii daayey, waxana uu dib ugu noqday magaalada Muqdisho. Xildhibaankan waxaa ay  walaallo yihiin guddoomiyaha Maxakamadda sare ee JSL Garyaqaan Aadan X. Cali Axmed iyo Mulkiillaha telefishanka HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed.