Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somaliland Iyo Umadda Islaamka Ah Ugu Hambalyeeyey Xuska Maalinta Ciidal-Adxa.

0
808

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magacasii, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weliba taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan umadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaana shacabka Somaliland isaga oo ku hambalyeynaaya xuska Ciidal-Adxa oo ku beegan maalinta beri ah.

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo si gaara uu hambalyo taas la mid ah uu ugu dirayaa Xujaajta kala duwan ee gudanaysa waajibaadka Alle ee Xajka, isaga oo Eebe uga baryey in uu ka aqbalo acmaashaas suuban sida oo kale na uu ugu soo dhammaystiro caafimaad qab.

waxa kale oo uu Alle ka baryeyaa in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo dhammaan ba umadda Islaamka ee xanuunsanaysa , sida oo kale na uu u naxariisto intii dhimatay.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyn uu Eebe ka baryeyaa in sannadka sannadkiisa uu innagu gaadhsiiyo bash bash, barwaaqo,caafimaad qab, acmaal suuban iyo weli ba sida oo kale Ictiraaf ay Somalliland ka hesho beesha Caalamka.

Ciid-Mubaarak, Ciidal Caafiya

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Hargeysa/Somaliland