Somaliland: Carwo Qiime-dhimis Ballaadhan Wadata Oo Ay SOMTEL U Soo Bandhigtay Macaamiisheeda Munaasibadda Ciidul-Odxaha Awgeed

0
698

Madaxa Waaaxda Suuq-geynta ee SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Adeegyada Qiime Dhimista ay ku Sameeyeen

Shirkadda Caalamiga ah ee somtel ayaa soo bandhigtay Carwo casri ah oo nooceeda aan hore loogu arag magaalada hargeysa, carwadaas oo shirkaddu macaamiisheeda ugu soo bandhigtay Qiima dhimis balaadhan oo ah dhanka Adeegyada shirkaddu ay bixiso. Hadaba ugu horayn waxa  warbixin dheeraad ah naga siiyay carwadaas ay shirkaddu soo bandhigtay Madaxa Waaxda Suuqgaynta ee shirkadda somtel Khadar Abdirahman Abdilahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay

“Shirkadda somtel waxa ay caawa oo bishu tahay  10.Sept.2016 ay macaamiisheeda usoo bandhigtay Carwo aanu kusoo bandhignay dhammaan adeegyada shirkadda somtel ay bixiso adeegyadaas oo aanu macaamiisha ugu samaynay qiimo dhimis balaadhan munaasibadda Ciidal Adxa awgeed adeegyada aanu qiimadhimista ku samaynay waxa ka mid ah Adeegga 4GPlus,  4G Bundles, 3G Bundles, Internet wireless broud band iyo waliba adeegyada Biilasha  ee ay shirkaddu bixiso  sida adeegga internetka iyo waliba adeegga VOIP, hadaba shirkadda  somtel waxa ay macaamiisheeda ugu bishaaraynaysaa qiima dhimistan oo ka bilaabmaysa 15% ilaa 50% oo socondoonta muddo lix cisho ah munaasibadda Ciidal Adxa awgeed. Dhinaca kale shirkadda somtel waxa ay macaamiisheeda ugu bishaaraynaysaa in ay soo dhawaatay wakhtigii lagu guulaysanaayay Barnaamijka hadal oo Hel Deeq waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah iyo waliba Moobilo casri ah, Barnaamijkan oo mudooyinkanba socday islamarkaana lagu buulaysanjiray  moobilo casri ah waxa hadda bilaabantay tartanka qaybta Deeq waxbarasho oo bilaash ah taas oo serverka shirkadda somtel uu dhawaan soo xulidoono guulaystayaashi ugu horeeyay ee ku guulaysandoona Deeq waxbarasho Jaamacadeed Oo bilaash ah hadaba macaamiisha shirkadda waxa aanu u sheegaynaa in ay ka qayb qaataan oo tijaabiyaan Nasiib kooda shuruudaha lagu guulaysanaayo waa shuruudo aad iyo aad u fudud waxaana ugu muhiimsan uun in Macmiilku uu isticmaalo Kaadhka somtel isla markaana uu kaadhkiisu furanyay si marka lagula soo hadlaayo aan laguu waayin oo jaaniskana aanu macmiil kale uga faa’idaysan” ayuu yidhi Khadar Abdirahman . Hadaba shirkadda Caalamiga ah ee somtel ayaa ah shirkad markasta macaamiisheeda ku xidhan una soo bandhigta adeegyo tayo leh iyo waliba Abaalmarino waawayn oo shirkaddu ugu talagashay macaamiisheeda in ay ku abaalmariso, waxaana ka mid ahaa abaalmarino ay shirkaddu ku bixisay ilaa Afar gaadhi oo nooca raaxada ah, Agab guri, Moobilo casri ah iyo waliba lacag Malaayiin shilling gaadhaysa oo shirkaddu ugu talagashay in ay macaamiisheeda iyo bulshadaba ku celiso qayb ka mid ah wax soo saarkeeda.