Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-4240/092016 uu go’aan ka soo saaray go’aanka ay hore ugu soo gudbiyeen Asxaabta qaranku ee ahayd, Go’aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

Waxaanu u dhignaa Goaankaa Mdaxweynuhu sidan:-

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada
Og: Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (Sonsaf)
Og: Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta (APD)
Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Og: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka
Og: Shir-guddoonka Golaha Guurtida
Og: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
Ujeeddo: Go’aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada
Mudanayaal,
Markii aan tix-raacay go’aanka axsaabta qaranka ee ay kalsoonida buuxda ii siiyeen in aan go’aan ka gaadho Mashruuca Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, ka dib markii ay ku adkaatay in ay talo middaysan iyo xal rasmi ah ka gaadhaan.
Markii aan tixgeliyey Warbixinta Akaademiyada Nabadda (APD) iyo Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSAF), oo si cad u muujiyey codsiga Bulshada Gobollada Somaliland, kaas oo ku soo ururraya baahida loo qabo in si caddaalad ah loo qeexo Saami-qaybsiga Kuraasta Aqalka Wakiillada doorashada ka hor, warbixintaas oo tilmaantay gobolna in aanuu ku qanacsanayn tirada kuraasta uu wakhtigan haysto, sidaa darteedna ay muhiim tahay in loo helo xal waara.
Markii aan arkay qoraallada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Warbixinta Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Aqalka, oo si qeexan u faahfaahiyey tabashada Gobollada Dalka ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, kuna taliyey in talo qaran laga yeesho.
Markii aan arkay Dastuurka Qaranka Qodobka 8aad xubintiisa 1aad iyo 2aad, Qodobka 22aad iyo Qodobka 90aad.
Markii aan qiimeeyey Qaraarkii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu qabtay Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-kii, kaas oo jidaynayey in Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee hadda lagu kala fadhiyo hal mar oo keli ah doorasho lagu galo, wixii ka danbeeyana tiro-koob guud dalka laga qabto.
Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobolka Awdal ee ku saabsan saamiga uu hadda gobolkaasi ku leeyahay Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan garwaaqsaday cabashada madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ku saabsan saluugga awood qaybsiga talada dalka iyo saamiga ay hadda gobolladaasi ku leeyihiin Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan ku qancay cabashada Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay ee ku saabsan Saamiga Kuraasta Golaha Wakiillada, taas oo u baahan in loo sameeyo qorshe u gaar ah.
Markii aan yaqiinsaday in qaabka saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada haddii doorashada lagu galo sidii hore, ay caqabad ku noqon karto shirarka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta qaran ee aan ku martiqaaday wax-garadka iyo waayeelka bulshada deegaanada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee ka dhici doona Magaalada Burco 25/10/2016-ka.
Markii aan shaki la’aan isku qanciyey in muddada kooban ee ka hadhsan Xilliga Doorashada Golaha Wakiillada, iyo Ahmiyadda Siyaasadeed ee ay Qarankan u Leedahay in la helo saami-qaybsi lagu wada qanacsan yahay oo si sharciga waafaqsan u daboola cabashooyinka hadda taagan aanay suurtagal ahayn in lagu dhamaystiro xilliga doorashada ka hadhay oo dhan 7-bilood, iyada oo loo baahan-yahay in la helo wakhti ku habboon oo lagu xalliyo mushkiladan.
Markii ay ii cadaatey in haddii Doorashada Golaha Wakiillada lagu galo qaabka saami-qaybsiga ee hadda jira, ama la sameeyo saami-qaybsi cusub oo aan laga baaraan-degin ama aan taladiisa la balaadhin oo u muuqda mindi roortayn, in taasi ay keeni karto muran iyo buuq hor leh oo sabab u noqon kara in uu galaafto doorashada kale ee barraxan, taas oo micnaheedu yahay in labada doorasho uu ku yimaado dib-u-dhac, laf-jab qarankan ku ah.
Markii aan ka duulay sida ay iiga go’an tahay shakhsi ahaan in aan dalkan ka suurta-geliyo doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loogu talo-galay.
Markii aan dersay Go’aankii Golaha Guurtida ee jideeyey in labada doorasho (Wakiillada iyo Madaxtooyada) hal mar la wada qabto 28/03/2017 iyo Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga Jamhuuriyadda Somaliland ku ayidday labada doorasho ee isku-lamaan.
Markii aan xaqiiqsaday in ay tahli kari waayeen Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu diyaarinta Xeerka Doorashada Aqalka ee uu bud-dhigga u ahaa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu, xilligii ku habboonaa muddo xileedkii dheeraa oo uu goluhu lahaa mas’uuliyadda sharci-dejinta koowaad. Aniga oo dareensan in markii ay golaha ku adkaatay in uu iskaga aragti noqdo qabyo-tirka xeerkan, gaar ahaan xal u helidda Saami-qaybsiga kuraasta uu isa soo dhaafiyey oo uu ii soo gudbiyey.
Markii aan xog-ogaal u noqday in Doorashada Golaha wakiillada ay hortaal caqabad farsamo oo aan yarayn, taas oo salka ku haysa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Cusub, arrintaas oo u baahan in la dhiraan-dhiriyo, loona xalliyo hab xigmad iyo xeelad leh.
Markii aan qiimeeyey in ilaalinta midnimada iyo wada jirka Ummadda Somaliland ay tahay waajib hoggaamiye ahaan i saaran, taas oo mudan in aan muhiimada ay leedahay darteed ka hor mariyo wax kasta, iyadoo ay iga go’an tahay in aan ka tago dal mid ah iyo dad midaysan.
Waxaan go’aamiyey;
1. in aan Doorashada Golaha Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.
2. in dib-u-eegis iyo dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.
3. in aan u magacaabo guddi qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.
4. in la kala qaado Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha go’aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.
Sidaa darteed, waxaan Mudanayaasha Golaha ka codsanayaa in ay ansixiyaan go’aanadan,si buuxdana u taageeraan.
Ugu danbayn, ka dib marka uu goluhu ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah go’aanadan xalka u ah xaaladda taagan, waxaan u gudbin doonaa idam Eebe Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL