Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadley muddo kordhinta loo sameeyey golaha wakiilada waxaana uu sheegay in uu soo dhaweynaayo muddo kordhintaas balse dib u habeyn lagu sameeyo golaha wakiilada arinta saami qeybsigana xal rasmi ah laga gaadho sida ugu dhakhsaha badan