Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Ahmiyadda Maalmaha Tobanka ah ee u dambeeyay Bisha Dil-Xijja.

Sheekhu wuxuu sheegay in Rasuulkeenna Muxamed (CSW) inoo sheegay in aanay jirin Camal la qabto Maalmahan oo ILAAHAY agtiisa ka khayr badan isla-markaana Alle uu uga Kalgacayl badan yahay, sidaa daraadeed loo baahan yahay in Dadka Muslimiinta ahi ka faa’ideystaan oo ku dedaalaan Acmaasha wanaagsan iyo Tikriga.

“Waxaan ka hadlayaa Maalmaha aynu ku jirno ee ah Tobanka Maalmood ee ugu dambeeya (Bisha Dil-Xaj). Maalmahan oo ah Maalmaha ay Gaaladu la dagaalanto maxay ka yeeli jireen Dadkii wanaagsanaa. Rasuulku (CSW) wuxuu Xadiiska ay Weriyeen a’imadii waaweynayd wuxuu ku yidhi, ‘Ma jiraan Wax ILAAHAY uga Kalgaceyl badan yahay Camalka wanaagsan ee la qabto Maalmahan’, Maalmahaasina waa kuwa aynu ku jirno ee Bisha Dil-xija ah oo aynu Daba-yaaqadoodii ku jirno. Rasuulku wuxuu yidhi ‘Camalka la qabto Maalmahani xitaa way ka khayr badan yihiin Jihaadka, marka laga reebo Qofka Jihaadka ku bixiyey Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan ka soo noqonin (ee ku Shahiida). Markaa Rasuulku wuxuu yidhi, Maalmahan badiya inaad ilaahay waynaysaan (Allaahu Akbar..Allaahu Akbar, Tasbiixda iyo Mahad-naqa Alle (SW)…”ayuu yidhi, Sheekh Aadan-Siiro, waxaanu intaa ku daray, “ILAAHAYNA wuxuu Qur’aanka ku yidhi, waxa Maalmaha loo keenay in (Addoomuhu) xusaan Magaca ILAAHAY. Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi Tobankaa Maalmood ee la sheegayaa waa Tobanka Maalmood ee u dambeeya Bisha Dil-xija oo aynu ku jirno.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Xoolaha Odxiyada la Qalo, waxaanu yidhi, “Culimadu waxay yidhaahdeen Odxiyada waxa la qalaxayaa Geel, Lo’ ama Adhi kala leh Ido ama Riyo Maalintii Ciidda Xilli Barqo ah, iyadoo ILAAHAY loogu dhawaanayo. Odxadu waa Sune la adkeeyay, sida uu ILAAHAY ku sheegay Qur’aanka, ILAAHAY wuxuu Rasuulka (CSW) ku yidhi, ILAAHAY dartii u tuko, ILAAHAY dartiina wax u Qal.”

Sheekha oo sii sharraxaya Odxiyada, ayaa sheegay, “Xadiiska ay Weriyeen Bukhaari iyo Muslim waxa uu Anas binu Maalik ku yidhi, ‘Rasuulku (CSW) wuxuu gawracay laba Wan oo Geeso leh oo Midabkooda uu boor ku jiro. Waxaanu Rasuulku (CSW) ku gawracay Gacantiisa intuu Magaca ILAAHAY ku bilaabay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Qofka wax Qalayaa waa Inuu Islaam yahay, waa inuu Qaan-gaadhay, waa in Caqligiisu dhamaystiran yahay, waana inuu yahay Qof karaya (helaya Neefka la qalayo). Wakhtiga Xoolaha Odxiyada la Gawracayaa waa Xilliga laga baxo Salaadda Ciidda, markaad Qasho Xoolaha Odxiyada waxaad Hilibka kala siinaysaa Qoyskaaga, Jaarka iyo Dadka jilicsan, sida Dadka Waalan, Dadka Jeelasha ku jira iyo kuwa Xanuunsanaya, sida uu Rasuulkeennu (CSW) inoo sheegay.”

Dhanka kale, Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Toban Kitaab oo kala duwan Guddoonsiiyey Sacad Maxamed Maxamuud oo kaalinta koowaad u galay Dugsiyada Sare ee Somaliland imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dhawaan la yeedhiyey.