Xubno Wasiiro Ah oo uu Wehelinayay Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wakiilka Somaliland ugu Magcaaban Dalka iskutaga Imaaraadka Carabta Amb Baashe Cawil ayaa Si Balaadhan loogu soo dhoweeyey Magaalada Hargaysa

Weftiga waxaa Madaarka kaga hortgaya Dadweyne Kala duwan oo Lagu Sii Diyaariyay Afaafka Gegida Diyaaradaha ee Cigaal Waxaana ay halkaasi kula hadleen Warbaahinta iyagoo ka warbixiyay Dhamaadka Heshiiska iyo Talaabooyinka Xiga ee la Qaadi Doono

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa isaguna waxaa uu Sheegay Mar uu halkaasi ka hadlay in Heshiiska Dhamaaday ka dib hada la bilaabi doono Dhismaha dekeda Berbera iyadoo lagu dhisi doono Sibidhka wershada Sibidhka ee Berbera oo aan la dayactirin tan iyo Burburkii Dawladii Dhexe ee Soomaaliyeed waxaana uu yidhi

“Mashruucan imika labadii cisho ee u dambaayey intii uu heshiiskaasi dhamaaday caalamka oo dhan ayaa meel walba lagaga hadlay, Joornaalada caalamka ugu waaweyn, talafishanada caalamka u waaweyn, maanta Somaliland waala yaqaanaa, waxaynu rajnayaa markaa hadaynu reer Somaliland nahay inaynu u weel samaysano oo u diyaar garowno sidii aynu ugu faa’iidaysan lahayn, waxa aynu jecel nahay in sibidhka dekedaa lagu dhisi doonaa uu noqon doono sibidhka ka soo baxa warshadeena sibidhka, maaha mid meel kale la inooga keeno.” ayuu yidhi wasiirki