Somaliland: Kaalliyeyaal Maxakamadeed Oo Xabsiga Lagu Guray Iyo Nuxurka Kiis Ugub Ku Ah Bulshada Oo Loo Haysto

0
780

Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Hargeysa Oo Sifeeyey Sharciyadda Waaran Qabasho Ah Oo uu U Jaray Kaalliyeyaashan Oo Been Abuur Iyo Barobogaando Ku Eedaysan

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay ka hadashay hawl-wadeenno ka tirsan Maxakamaddaha racfaanka heer gobol iyo degmo ee gobolka Maroodi-jeex oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu xidhiidhiyey sanduuq-farriimeed cusub [Accounts] oo lagu faafiyey baraha xidhiidhka bulshada [Social Media] kaasi oo la iskaga hor keennay  bahda Caddaaladda.

Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Maroodi-jeex Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac) oo War-saxaafadeed shalay  soo saaray ayaa ka hadlay xadhiga kaalliyeyaal ka tirsan Maxakamadaha Hargeysa oo ay maxakamaddu waaran qabasho ah u jartay kadib markii ay ku lug yeesheen Facebook Accounts laga been abuuray guddoomiyaha maxakamadda racfaanka oo dhawaan la sameeyey isla markaanaba lagu faafiyey warar barobogaando ah oo ka dhan ah bahda caddaaladda guud ahaan, gaar ahaanna xasaannada guddoomiyaha racfaanka gobolka. War-saxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay xalay xarunta wargeyska HUBAAL waxaa     uu   Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil “ Halac” ku yidhi “sababta waqtigan keentay in xabsiga loo taxaabo kaaliyayaashan waxay tahay Face-book been abuurka ah oo loogu talo galay in layskaga hor keeno bahda caddaalladda iyo garsoorka isla markaana  lagu faafiyey warar been abuur ah oo boro-bogaande ah ayaa lagu eedeeyey in ay ku lug yeesheen. Baadhista kiiskani way socotaa, waxana gacanta ku haya Hay’adaha baadhista Dambiyada oo iyagu Maxkamada ka soo codsaday waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaaliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin.  waxana la hor keeni doonaa Maxamad awood u leh”. Ayuu  lagu soo gebogabeeyey war-saxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha maxakamadda gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac).

 Muxuu yahay Sanduuq-farriimeedka laga been abuuray guddoomiyaha Racfaanka Gobolka Hargeysa, Maxayse yihiin wararka lagu faafiyey?

Wargeyska HUBAAL oo xalay markii uu warsaxaafadeedka guddoomiyaha Maxakamadda gobolka Hargeysi soo saaray helay kadib baadhitaan xaqiijin ah ku sameeyey Facebook Account-ka la sheegay in laga been abuuray guddoomiyaha racfaanka iyo wararka lagu baahiyey ayaa ay u suurto gashay in uu helo   warka faafintiisa loo adeegsaday magaca guddoomiye Cali Suudi Diiriye ee lagu faafiyey facebook-ga, kaasi oo ku saabsan isku shaandhayn lagu sameeyey kaalliyeyaasha iyo arrimo kale oo xidhiidh la leh xubnaha guddida caddaaladda. Warkan oo sida ka muuqata xilliga la daabacay [Published date] ku taariikhaysan 4-tii bishan September waxaa waxyaabaha ku qoran kamid ahaa eedayn ka dhan ah agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaalladda. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Qoraalkaaasi oo  HUBAAL ka soo minguuriyey   sabuurradda Account-ka lagu daabacay, waxaanu u dhigan yahay sidan:

“Waxaan maanta oo ay taariikhaydu tahay.18/8/2016. Isku shaandheeyay Dhamaan Kaaliyayaashii Maxkamadaha Gobolka Maroodi jeex. Waana markii ugu horaysay intii Somaliland jirtay ee lagu sameeyo isku shaandhayn waxaana ku guulaystay aniga si loo dardar galiyo Habsami u socodka shaqada Maxkamadaha. Waxaa kale oo jirta sidii aan hore ugu sheegay shaqaale uu soo Qortay Agaasimaha Guud ee Cadaaladdu shaqaalahaas oo uu u soo qoray si Musuq maasuq ah, waxna aanan kala socon,sidaa hore ugu sheegay ilaa hadda Maan hawl galin.  Hawshaa waan ka wada soconaa Gudoomiyaha Maxkamadda sare waanan u sheeegay. Agaasimaha Guud waxaa uu ku jiraa Gudida Cadaaladda waxaanay isku xidhan yihiin Garsoore Maxkamadda sare ka tirsan oo la yidhaa C/qaadir Maxamed Maxamud iyo sh.Maxamed Cali Gadhle oo laba ka tirsan Gudida Calaadda,waxaanay taageeran dad Gaar ah oo ay iyagu wataan.waxaana fiican in Agaasimaha meesha laga badalo sidaan hore ugu sheegay. Waxaa kale oo jirta dardar galinta Garsoorka waxaananu ka wada soconaa Gudoomiyaha Maxkamadda sare,waxanan isla garanay in aan soo qoro Garsoorayaha Maxkamadda Rafcaanka Maroodi jeex, rag dhalin yaro ah oo aan anigu soo xulo. Waxaana jira Reero cabanaaya, waxaan iska garanay in aan Garsoorayaal Rafcaan ka dhigno qaar ka mid ah. Marka in kasta oo aan Gacanta ku hayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali haddana waxaan doonayaa in aad igu xidho Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Cusub”.

soail-midea