Guddoomiyaha Guurtida Oo Jawaab Aanay Filleyn Siiyey Xildhibaanno Weydiistay In Uu Khasnadda Golaha Xaqul-ciid Uga Dhiibo

“Cid Ay Sannadkii Wax U Kordhaan Innaga Uun Baa Jira, Goor Xaqul-ciid La Bixiyo-na [Cahdigii] Dawladdihii Rayidka Ahaa Baa La Bixin Jiray’e, Nin Walowba [Waxaaga] Isku Fillayn-sii” 

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horraysay qiray in qoorweynta saddexda gole qaran ee Xeer-dejinta,Garsoorka iyo Fulintu ay sedbursiimo gaar ka helaan khayraadka dhaqan-dhaqaalle ee waddanku leeyahay, iyagoo sifooyin gaar ah u sharciyeystay gunnooyin iyo mushaharooyin gaar ah, kuwaas oo dabcan ka badan midka hay’adaha kale ee waddanku qaataan. Guddomiye Saleebaan oo ka hadlayey gunaannadka kal-fadhigii 64-aad ee golaha guurtida oo maalintii shalay soo xidhmay, ayaa diiday su’aal xubno mudanayaashiisa kamid ah kaga timi oo ay ku dalbanayeen in xaqul-ciid la siiyo, “Niman-hayow xaqul-ciid lahayninee wixii qaranka kasoo baxayey saddexdeenan gole uunbaa isku koobaye ma cid kalaa wax inala qaybsata”. Sidaas ayuu kaga hal-celiyey guddoomiyuhu damaca ay xildhibaannada qaar kamid ahi ku ku dooneen in gacanta loo geliyyo khasnadda goluhu leeyahay. Waxaana uu Guddoomiye Saleebaan Intaa ku daray “cid sanadkii ay wax u kordhaan saddexdeena gole uun baa jira’e, Nin walowba isku fillaysii.” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaan dhaqanka ka farxinta shaqaalaha maalmaha ciiduhu dalkaba kusoo dhawaanin, waxana uu yidhi, “ma garanayo goor xaqul-ciid la bixiyo dawladihii rayidka ahaa ee Maxamed Siyaad ka horreeyey, ayaa xaqul-ciid bixin jirey.” Golayaasha guurtida iyo wakiillada, ayaa mushaharka ugu badan ee dalka laga bixiyo qaata marka laga tago laga tago madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha wasiirrada ah, waxana taasi culays badan ku tahay dhaqaalaha itaalka daran ee dalka, iyadoo ay weliba barbar socoto wax-qabad la’aan baahsan oo inta badan loo jeediyo.