Somaliland: “Madaxnimadu Maaha Boob Oo Ciddii Ilaahay Ugu Tallo-galay Way Imanaysaa, Ee Ninkii (Hadhow) Laga Heloow Hannee, Masuuliyadduna Waxay Saaran Tahay Madaxweynaha Jooga…..”

0
772

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Dardaaran U Jeediyay Xisbiyada Qaranka Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland u soo jeediyay in marka la gaadho Ololaha Doorashooyinka laga wada shaqeeyo sidii Hawshu ugu socon lahayd Hufnaan, si loo baajiyo Khilaaf horseedi kara Amni-daro.

Md. Cabdiraxmaan Aw Cali oo Shalay ka hadlayay kulan khuseeyay Doorashooyinka oo Dalladda SONSAF ku qabatay Hargeysa, ayaa sheegay in Nidaamka loo galayo Ololaha Doorashooyinka ku xidhan yahay Xisbiyada Qaranka oo mid walba dhankiisa Masuuliyad iska saara sidii si hufan loogu tartami lahaa, ololaha oo Fool-xumaadaana sidaas oo kale ku xidhan yahay Xisbiyada oo ka badheedha inay kharibaan Tartanka.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ugu horeyn ka hadlaya sida loogu baahan yahay in laga wada hor-tago waxyaabaha keeni kara khilaaf ku aaddan Doorashooyinka, ayaa yidhi, “Waxa Wanaagsan in laga hor-tago Waxyaabaha uu ku imanayo Khilaafku. Xilkaasi dadka reer Somaliland oo dhan buu saaran yahay, waxaana loo baahan yahay inay Doorashooyinka si hufan u fahmaan, inay Ololelayaasha si aan Turxaan lahayn oo aan Xanaf lahayn u tartamaan. Masuuliyadda ugu weyn ee arrintaasi waxay saarmaysaa (fuuleysaa) Madaxweynaha jooga ee doorashadu dhaceyso inta uu joogo, Masuuliyaddu waxay sii saarmaysaa Xukuumaddiisa, Masuuliyaddu waxay saarmaysaa Xisbul-xaakimka jooga ee isagoo jooga ay doorashadu dhaceyso. ILAAHAY waxaanu ka baryeynaa inuu ku asturo, Waayo? Waa Hawl Taariikhda u galeysa oo u suntamaysa.”

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, wuxuu ku taliyey in marka Doorashooyinku dhacaan Cidda laga helaa hanneyso, “Axmed Yuusuf Yaasiin waa kaa jooga, Madaxweynihii ay wada joogeen ee Daahir Rayaale Kaahin wuu maqan yahay, Doorashooyinkii ka qabsoomay Dalkani way u suntan yihiin, ILAAHAYNA wuu ku asturay Dimuqraadiyaddii tijaabada ahayd. Markaa waxaan leeyahay waa in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Xukuumaddiisa iyo Xisbul-xaakimku ogaadaan in Masuuliyadda saarani ka badan tahay ta Dadka kale saaran.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Walaalayaal Madaxnimadu waa Wax Samada ka qoran, Wax la xoogo maaha, wax la boobo Maaha ee Ninkii ILAAHAY ugu Talo-galay wuu imanayaa, markaa waxaanu idinka filaynaa inaad Ummaddaa idin kala dooranaysa aad Milgahooda iyo Sharaftooda dhowrtaan, oo aad sida ugu Quruxda badan ee ugu hufan u tartantaan. Gari laba Qof kama wada Qosliso, ee Ninkii Laga Heloow iskugu Hanneeya sidii Aniga iyo Madaxweyne Siilaanyo la nagaga helay 80-ka Cod.”

Mujaahidku wuxuu dardaaran u jeediyay Xisbiyada Qaranka ee ku tartamaya Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka Somaliland, “Xisbiyada waxaan leeyahay waar Sidaad u tartantaan bay Hawshu u wanaagsanaanaysaa, khilaafku wuxuu u yaraanayaa sidaad hadba hawsha u gashaan, ololaha u gashaan, in Ololuhu noqdo Mid hufan oo aan Qabyaalad iyo Xanaf lahayn, Dadkana loo tuso inay yihiin Dad Walaalo ah oo meel u wada socda, oo aan la eegin Madaxnimada uun, markaa Xisbiyada waxaan leeyahay Waar Jewiga aad Abuurtaan iyo sidaad Dadkiina u wacyi-gelisaan ayay ku xidhnaanayaan Doorashooyinka Dalkan ka dhici doonta Haddii Alle yidhaahdo.”