Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Duufaanadii Siyaasaddu Mar Kale Qaadeen Iyo Quus Uu Ka Muujiyey Dacwada Dhagaysigeeda La Bilaabayo Libintana Faysal Siiyey

0
941

Nin Xukuumadda Ku Dhex Jira Maxkamadi Waxaba Ma Waydiinayso Oo Wax Walba Xukuumadda Ayaa La Wada Oo Xisbiga Kulmiye Ayaa Dabada Ka Riixayah Maxkamadda

Murashaxa Jagada madaxweynaha ee muranku ka taagan yahay Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay dacwad maxkamada sare mudaysay in ay 18ka bishan bilaabayso dhagaysigeeda jamaal ayaa si guud mar ah u sheegay in arinka dacwada ay u soo sheegeen garyaqaanada u doodaya garabkiisa balse markiiba waxa uu u duulay falaqaynta badwaynta siyaasadda oo uu ka bilaabay weerarka Faysal Cali Waraabe.

Ugu horayn isaga oo ka hadlaya arinka mudaynta dhagaysiga Dacwada khilaafka xisbiga Ucid waxa uu ku jawaabay. “garyaqaanada u doodaya dhinacayaga waxa ay ii sheegeen in ay dacwadii la mudeeyey xiliga dhagaysigeeda lagu mudeeyeyna ay tahay 18 bishan sep. maalinta axada ah in maalintaasi la mudeyey dacwadana la dhagaysan doono”.

Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu markiiba weerar afka ah ku qaaday Faysal Cali Waraabe oo ah garabka ay is hayaan waxaana uu yidhi. ” go’aan hore waa kii ka soo baxay khilaafkan oo gudida diiwaangalinta asxaabta qaranka oo madaxweynuhu u idmaday in ay asxaabta qaranka lagu ilaaliyo in ay shuruucda xisbi ahaan iyo heshiisyadooda ixtiraamaan ayaa go’aan hore ka soo saartay oo dacwadan ka garnaqday laakiin ninkan Faysal Cali Waraabe ayaa ka gaws adaygay isagaa anbiil ka qaatay maxkamad la tagay oo anbiil u qaatay maxkamada”.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu quus ka muujiyey go’aanka maxkamada isaga oo si dadban hadalka u dhigaya waxa uu sheegay in faysal kawaanka siyaasadda dhaafiyey rag sidan oo kale ah ay xisbiga iskugu qabteen waxaana uu yidhi. “maaha markii ugu horaysay ee uu maxkamad anbiil u qaato dhawr jeer oo horena ninkaasi dadbuu maxkamad kula galay xisbiga Ucid 15 sanadoodna wuu hortaagnaa xisbigiina wuxuu ka dhigtay sidii wax yar oo NGO. yaroo lagu shaqaysto dee waad arkayseenoo ninkii dhamaa ee Gudoomiye mucaarad sheeganayey ayaad arkayseen isaga oo dhex caraaya xisbigii Kulmiye malaha waxaa u haboonad in uu iskaga biiro xisbiga Kulmiye hadii uu sidaa u jecel yahay oo xisbiga Ucid khilaafka iyo dhibaatada uu ka daayo maadaama isaguna wakhtigiisii soo tijaabiyey laba jeer oo horena tartamay waxa wanaag san in uu dadka dhibaatada ka daayo haduu ka dayn waayana waa lala soo gudhinayaa wax dhibaato ah ma laha”.

Mar kale isaga oo ku baaqaya in cadaalad iyo dimoquraadiyad lagu saleeyo siyaasadda xisbiga ee uu ku dhex haftay waxa uu yidhi. “Xisbiyadu si dimoqraadiyada dalku inoogu shaqayso waa in ay ahaadaan kuwo la wada leeyahay oo umadu wada leedahay cid waliba iska dhex aragto haduu nin tuurta ku qaato oo uu yidhaahdo anigaa iska leh oo uu dhaho waxaan doonaan samaynayaa mid subxaanallah weeye oo aan dalka u wanaag sanayn”

Ugu danbayn Jamaal Cali Xuseen markii u horaysay afkiisa waxa laga maqlay isaga oo amaanaya qaybo ka mid ah siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo sidoo kale waxa uu war war ka muujiyey in Xisbiga Ucid bur buro inta xukuumadani jirto. “Xisbigii udub wuu bur buray xili ay joogtay xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mar labaad hadii xisbiga Ucid ku bur buro xukuumadan Kulmiye iyagana uma wanaag sana taariikh ahaana uma wanaag sana laakiin madaxweynaha waxaan ku amaanayaa oo uu sharaf ku leeyahay gudidan uu sameeyey ee diiwaangalinta ururada qaranku si wanaag san oo aqoon leh ayey uga garnaqeen inkasta oo anaga wixii aan doonaynay runtii nasiin ama aanay u garnaqin oo ay labada dhinaca faysal u jan jeedhsameen oo ay eegeen hadana laakiin danta xisbiga isku eegeen oo ay yidhaahdeen shirweyne qabsada dee ninka shirweyne qabsada anbiil ka qaatay dee wax laga qaato maaha markaa markii horana ninka ku doodayey in shir weyne la qabsadaa isaga ayuu ahaa”.

Hadalka Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maxkamada Sare mudaysay wakhtiga la bilaabayo dhagaysiga Dacwada khilaafka Xisbiga Ucid