Afhayeenka isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka hadlay heshiiska maalgashiga ah ee lagu wareejinayo dekedda Berbera taasoo muddo soddon sano ah laga kireeyey shirkadda DP World oo dalka imaaraadka laga leeyahay.

Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay mid qarsoodi ah isla markaana aanu ahayn mid la fasiri karo maadaama aanay xukuumaddu illaa hadda soo bandhigin tafaasiisha iyo qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaas, waxaana uu sidoo kale Xuseen Axmed Caydiid heshiiskan ku tilmaamay mid dano gaar ahi hoosta kaga jiraan maadaamaba buu yidhi ansixintan heshiiskan lacag loo adeegsaday, waxaana hadalkii afhayeenka ka mid ahaa:

“Horta anigu heshiiskaas cid qodobadiisa sheegaysa maan arag, heshiis marka laga hadlayana waan in la arkaa oo qodobadiisa la akhriyaa oo inuu dantaada ka turjumayo iyo in kale la ogaadaa markaa hadii la qarinayo inaanu xalaal ahayn ayaan u haystaa kol haddii laba qarinayo oo golihii wakiilada la horgayn waayay, golahana heshiis looma gayne wixii loo geeyey waad ka war hayseen maadaama heshiiskii wali la qarinayo tafsiiro iyo sheekooyin badana ay debadda yaacayaan oo la leeyahay bahalkuba laba geesood maahee waaba saddex geesood oo la leeyahay bahalku gaar inooma ahee dawlado kale ayaaba inala saxeexay bahalku markuu mad-madawgaas leeyahay wax lagu amaano oo la yidhaahdo waa heshiis ina anfaca anigu garan maayo golaha wakiiladana laaluush baa lagu mariyey oo waad wada ogtihiin wax laaluush iyo lacag lagu meel marinayaana inaanu xalaal ahayn waa la garanayaa haddii uu umadda u dan yahay inta daahir yaashamis la soo dhigo ayaa la odhan lahaa waakaase maxaad ka caalaqaysaan”.

Geesta kale Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka hadlay wadaxaajood yadii u dhexeeyay garabka isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxaana uu xusay inay wadahadaladani meel wanaagsan marayaan balse aan waxba la isla meel dhigin, waxaana uu yidhi:

“Wadahadaladii may midho dhalin oo waxbaanu isla qaadanay iyo waxbaanu isku diidnay midnaba islamaanu gaadhin laakiin meel wanaagsan ayaanu isla gaadhnay meel u baahan in gaba-gabayntiisii la iskula soo noqdo ayaanu gaadhsiinay waana aanu sugaynaa illaa iminka deg-degna naguma jiro markaa waxaanu u aragnaa sidii aanu u danaynay inay dhinacii kalena u danaynayaan ayuunbay nala tahay markaa waynu sugaynaa goorta gabagabada la iskula yimaado”.