Somalia: Dawladda Xasan Sheekh Oo Sheegtay Inay Qaadka Miirooga Kenya U Joojisay Somaliland Darteed Iyo Jawaabta Madaxweyne-xigeenkii Hore

0
968

Dawladda Maamulka Muqdisho ayaa si cad u sheegtay in sababta ay dalkeeda uga joojisay qaadka Miirooga ee Kenya tahay arrin la xidhiidha qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Safiirka Somaliya u jooga dalka Kenya Jamaal Xasan, ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in dawladda Somaliya go’aanka mamnuucista qaadka Kenya gaadhay ka dib socdaal uu caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku yimid badhasaabka gobalka Meru,ee dalka Kenya Mr. Peter Munya oo bishii Julay safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo sheegay in Jaadka Mirooga la keeni doono Somaliland islamarkaana uu dawladda Kenya ka codsan doono inay aqoonsadaan Somaliland.

“Wuxuu ganacsiga Miirooga ku xidhay xuduudaha dhuleed, waxaanu farogeliyay siyaasdda gudaha ee Somaliya.” ayuu yidhi Safiirka Somaliya u jooga Kenya oo eeddo u jeedinaya badhasaabka gobalka Meru ee dalka Kenya, isagoo intaas raaciyay, “Arrintani dawladda waxay ku keentay culays saa’id ah. Waanan joojinay ganacsiga ilaa arrimahan xal laga gaadhayo.”

Wuxuu sheegay inay wada hadalo arrintan uga socdaan dawladda Kenya.

Dawladda Somaliya ayaa si weyn uga cadhootay socdaalka uu badhasaabka awooda badan ee Kenya ku yimid Hargeysa islamarkaana uu ku cadeeyay in iibka qaadka Miirooga ay Somaliland ugu bedeli doonaan wada shaqayn iyo taageero siyaasadeed oo ay Kenya siiso qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Jawaabta Somaliland

Inkastoo aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax jawaab ah ka bixin dhawaaqa ka soo yeedhay dawladda Somaliya, haddana qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa dhinacooda jawaab ka bixiyay arrintan.

Madaxweyne-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay weerarka Somaliya, ayaa yidhi  “Haddii xidhiidh cusub ay yeesheen Somaliland iyo Kenya, oo Dawladda Kenya ay qirto jiritaanka Somaliland iyo wax-qabadkeeda maaha inay dawladda Somaliya ka makhruuqdo, kana xumaato, haddii ay tidhina xidhiidhkii aanu Kenya u lahayn waxaanu u jarnay Somaliland darteed wax bay is yeeshay ee waxba iskumay soo kordhin, Somaliland meel kasta oo dani ugu jirto iyo Wadan walba oo ay u aragto inuu dan u yahay xidhiidh bay la yeelanaysaa.”

wuxuu ugu dambayn yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, “waxaan Madaxda Muqdisho odhan lahaa dantiina ayaa idinka badan ee dantiina ku mashquula, oo Somaliland ha mashquulina”