Somaliland: Xildhibaan Xukuumadda Ku Canaantay Madaxda Dhaqanka Ee Ay U Diiday Gurmadka Dirirta Ceel-afweyn

0
844

Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in wax aad loola yaabo tahay in Xukuumaddu Salaadiinta ka hor istaagto inay dhex galaan oo ay heshiisiyaan labada Beelood ee ku dagaalamay Deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu tilmaamay inay adag tahay in Xukuumaddu Beelahan heshiis ka dhex dhaliso, iyadoo doorkii Madax-dhaqameedka dalku meesha ka maqan yahay.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale labadan Beelood ugu baaqay inay heshiiyaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Waxaan baaq u dirayaa labada Beelood, ee walaalaha ah, ee aan meel kala jirin ee isku ooda ah, oo waa inay nabadgalyo ku wada nooladaan, oo iyaga cidi iskuma dhaante waa inay arinkooda xalistaan”.

Xildhibaan SIciid Gaane mar uu ka hadlaayey in Xukuumaddu aanay si fiican u soo heshiisin labadan beelood markii hore ayaa yidhi “Waxaan dareensan ahay in waxa halkaas ka dhacay ay tahay qabyo ay Xukuumaddu la tamid, oo iyada oo arinka meel soo dhigin ayey ka timid,marka waxaanu leenahay waxa halkaas ka dhacay Xukuumadda ayaa ka masuul ah, oo dabaca iyo jileeca Xukuumadda ayaa keenay in mar kale dagaal dhaco, Wasiiradda hadda loo dirayna waa kuwii maalintii hore tagay oo cidi ma weheliso, oo Xildhibaano ma weheliyaan oo Guurtidii nabadgalyada wadanka loo aasaasay baan loo dirin”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey Salaadiinta ayaa yidhi “Salaadiinta laga tagay waa la tabi doona oo waa muhiim, Ciidamada meesha jooga wey dadaaleen si wanaagsana wey ka yeeleen, laakiin doorkii nabadeeynta ayaa dhiman, maantana Salaadiinta cid kaga haboonayd may jirin, waayo Xukuumaddu hore ayey u soo qabyeysay oo qabyo kaga timid, kuwa imika sii ordayaana waa kuwii qabyada kaga yimid, ma garanayo waxay soo kordhinayaan ee waxaan ku talin lahaa in xooga la saaro sidii meesha nabad looga dhalin lahaa, oo doorka nabadgalyo ee Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka loo daayo, waxaana si gaar ahna u soo jeedin lahaa in Salaadiinta Beelaha Galbeedka iyo Barriga Burco in lagu daro si ay nabad ugu dhex dhaliyaan labada Beelood”.