Somaliland: Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Muddaysay Wakhtiga Ay Ku Dhawaaqayaan Go’aanka Ay Kasoo Saareen Khilaafka Ragaadiyey Xisbiga UCID+Wakhtiga Lagu Dhawaaqayo Go’aanka

0
951

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku cayintay wakhtiga kama danbaysta ah ee ay ku dhawaaqayaan go’aanka laga gaadhay khilafka ragaadiyay xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo muddo badan soo jiitamayay isla markaana masuuliyiintii xisbiga u kala jabiyay laba garab oo kala taabacsan gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.

Inkaste oo aanu jirin qoraal rasmi ah oo warbaahinta lasoo gaadhsiiyay hadana sida uu xogaha ku helayo wargeyska Sahan ayaa sheegaya in maxkamadda sare soo afjarida khilaafkan xisbiga UCID u mudaysay inay ku dhawaaqayso 18 bishan 9-aad ee aynu ku guda jirno.

Dacwadan xisbiga UCID ee u dhaxeysa masuuliyiinta ayaa waxa hore go’aan uga soo saarya gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyaga oona labada dhinacba ku amartay inay qabsadaan shirwayne lagu soo doorto musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID uga qayb galaya tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland laguna buuxiyo jagooyik sar sare ee xisbiga ka baanan oo uu kamid yahay buuxinta gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID uu Faysal Cali Waraabe Sheegay inuu ka qaaday Mujaahid Cali Gurey,waxaana xusid mudan in go’aankaasi ay soo sareen gudidu uu ambiil ka qaatay gudoomiye Faysal isaga oo dacwadna u gudbiyay maxkamadda sare ee Somaliland.

Ugu danbayn waxa laga war sugayaa go’aanka ay maxkamadda sare ku kala saarto labada garab ee khilafku ka dhaxeeyo isla markaana isku haya xisbiga UCID ayna kala hogaaminayaan gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen.