Somaliland: Madax-dhaqameedka Iyo Wax-garadka Deegaanka Sayla Ayaa Oo Kulan Casuumad Iyo Taageero Ah U Sameeyey Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye

0
898

Madax-dhaqameedka Iyo Wax-garadka Deegaanka Sayla Ayaa Oo Kulan Casuumad Iyo Taageero Ah U Sameeyey Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye

Hargeysa (Gudgudenews)- Madaxdhaqameedka, odayaasha, aqoonyahanka, waxgaradka iyo dhallinyarada deegaannada degmada Sayla ee Gobolka Maroodi-jeex iyo waaxda 31 May ee caasimadda Hargeysa, ayaa kulan ballaadhan oo casuumad ah u sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.
Casuumaddan oo ahayd qado sharaf ka dhacday huteelka Guuleed ee caasimadda Hargeysa maanta, taas oo ay isugu yimaadeen madaxdhaqameed badan oo boqor ilaa heer caaqil ah, odayaasha, aqoonyahanka, waxgaradka iyo dhallinyarada bulshada ku dhaqan degaannadaasi (beesha Ayuub), waxay ku qaabileen Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga oo uu ka mid yahay Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed.
Kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen Boqorka guud ee beesha deegaannada Sayla iyo 31 May Boqor Cali Xuseen Kaahin, Chief Caaqil Aw Aadan Cabdillaahi Cali, Caaqil Cismaan Axmed Cali, oday Cabdiraxmaan Cumar Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga waxbarashada beesha, Xasan Yuusuf Sharmaarke oo ah guddoomiyaha garabka dhallinyarada beesha, aqoonyahan Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Embassy) iyo siaasiga Cabdillaahi Cabdi Cige, ayaa dhammaantood sheegay in sababta ay kulankan u qabteen tahay taageero ay ku midaysan yihiin guud ahaan qaybaha bulshada ee madaxdhaqameed, aqoonyahan iyo rayidba leh oo ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen hoggaamiye ay aqoon buuxda u leeyihiin oo cid u dhaanta dalka maanta aanay jirin.
Sidoo kale, waxa soo dhaweeyey mowqifkaasi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cabdi Daahir Camuud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Khaarajiga Md. Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed, Agaasimaah Waaxda Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Maxamed Shire iyo Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaanay uga mahadnaqeen madaxdhaqameedka iyo waxgaradka kale taageerada ay hore iyo iminkaba la barbartaagan yihiin xisbal-xaakimka.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal kooban uu ka jeediyey kulankaasi ka mahadceliyey casuumaddaasi loo sameeyey iyo taageerada buuxda ee la siiyey. Waxa kaloo uu ka hadlay dawladnimada Somaliland, wax-wada-lahaanshaheeda iyo sida loogu baahan yahay in laga wadashaqeeyo horumarinteeda iyo adeegyada bulshada ay uga masuulka tahay.

biixi bish casho